MUQDISHO (HN) — Ma rumeysanaysid sheekada lamaanahan. Waa indhoolayaal aan is arki Karin balse iska jeclaaday is-aragga labadooda qalbi. Been ma ahan jaceylku indho malahan. Marba haddii labadan mucaashaq ay awoodeen inay abuuraan jaceyl aan ku bilaabin aragti balse ka beermay gunta laabaha.
Farxaddaa u sahay ah. Way wada socdaan; iyaga oo qoslaya. Kuma lumiyaan daqiiqadaha ay wada joogaan ka fikirta nimcada ka maqan. Taas beddelkeeda waxay ammintooda ku wada qaataan niyadsami iyo kalgacal.
Jantaal iyo Jadu waa labo lammaane oo helin nimcada aragga. Dhawaan un bay is guursadeen. Jaceylka, iyo nolosha ma ahan labada qura oo ay qeybsadeen. Waxay sidoo kale ka siman yihiin wax arag la’aanta.
Laakiin taasi lur iyo laxaw kuma heyso. Way is caawiyaan karaankooda. Isagaa guriga tirtira iyaduna waxay diyaarisaa dhuuniga.
Sheekada noloshoodu waxay ka bilaabanaysa sannadkii 2018-ka markii Jadu halhaleel loola cararay isbitaal kaddib markii laga calaamadeeyey xanuunka qalalka oo uu ka qaaday soojeedkiisa badan oo uu ku dhafro wax sawiridda iyo farshaxanka. Markii in badan lala tacaalay, Jadu wuxuu ka bogsaday xanuunkii, laakiin wuxuu lasoo kacay arag la’aan. Taniyo markaasna wuxuu usoo dhamaaday dugsi wax lagu baro dadka araggoodu liito ama aanba wax wada arki Karin.
Goortaas iyo goobtaas ayuu ka bilowday kulankii koowaad ee dhex mara isaga iyo Jantaal oo iyadna aragga beeshay sannadkii 2020 kaddib markii ay ku indha-beeshay ka xoojinta warshad weyn oo sameysa walxaha qarsida leh.
Labaduba waxay horumariyeen isku soo dhawaanshiyo iyo wada sheekeysi. Waxayna iskaga soo dhawaadeen inta kale. Marwalba oo Jadu uu bannaan aado wuxuu aalaaba kula soo laaban jiray hadyado ay ku faraxdo. Si kastaba, sheekadooda ayaa ku biya-shubatay xiriir jaceyl oo qoto dheer inuu dhex maro kaas oo marnaba soo dhaweyn ka helin dadkii ay la joogeen.
Marwalba oo ay damcaan inay soo bandhigaan kalgaceylka ay isku qabaan waxaa aalaaba lagu tilmaami jiray kuwa shil ku dhici doonaa haddii ay midoobaan. Waayo laba qaawan isma qaado ayaa loogu quus-dhebi jiray.
Hayeeshe, waxaa ugu dambeyntii guuleystay rabitaankii weynaa iyo doonistii weyneyd oo ay lammaanahani isku qabeen. Waxay go’aan cad ku gaareen inay nolosha ku qeybsadaan sida ay yihiin. Taniyo markaas, Jadu ayaa ah xoogga qura oo reerku tiirsan yahay. Wuxuu awoodaa inuu sawiro ama uu farshaxameeyo sawirada dadka caanka ah iyo kuwo loola yimaado. Madaama dawooyin kaalmaati ah oo la siiyay ay soo muujiyeen waxtar muuqda, Jadu hadda wuxuu wax arki karaa 5%.
Jantaalna, ma ahan mid ka wada quusatay fursadda ah inay dib wax u aragto. Waxay quudarranaysaa inay mar un arki lahayd seygeeda ku jeclaaday sida ay tahay haddii loo helo daweyn caafimaad oo dibadda ah.
Qof kasta kuma dhaco inuu go’aankan oo kale oo noloshiisa si weyn u saameynaya uu sahal ku qaato. Laakiin mararka qaar waa qasab inaad raacdo tilmaamaha uu qalbigaadu ku siinayo si aad ugu negaato.
You must log in to post a comment.