MUQDISHO (HN) — Waxay ka rideen isha midig kana jareen labada ga cmood. Waxaana looga tagay dhimasho. Balse teeda oo aan gelin ayay ku samata-baxday.
La kulan Jaklin oo iyada oo 10 jir ah ehelkeeda lagu hor gowracay iyada laga dhigay naafo il iyo addimo go’an.
Xasuuqii ka dhacay Rwanda sannadkii 1994 kaliya uma xusuus qaraar. Wuxuu u yahay gugii is-beddelkii qaraaraa ku sameeyey nolosheeda kana yeelay sida ay tahay maanta. 800,000 oo ku dhintay gumaadkaas waxaa ku jiray waalidkeeda iyo walaalaheeda. Waaxyna u nooshahay inay tusaale u noqoto in wixii dhacay ay musiibo iyo hoog bideen shaqsiyaad badan.
Waxaad u jeedaanna kama yara dhabar-adeyg iyo nafhurnimo. Waxay wax walba ku qabsataa gacmaheeda – hana noqoto dhar-dhaqidda ama meyrista maryaha, alaab-xalidda, beer-falka, xaaqidda guryaha, haadinta dalagyada iyo dabcan soo darshadaha biyaha.
Waxaa intaas dheer inay tahay hooyo gabadheeda korsanaysa. Sida ay ku dhashayna, waa qiso kale oo xanuun badan. Markii ay waysay qof ku jeclaada sida ay tahay, waxay ku qasbanaatay inay cidaha guryaha uga shaqeyso kadibna keydiso lacag adag si ay u siiso nin uur yeela sababna u noqdo inay dhasho ilmo hooyo ku yiraahda.
Dhab ahaantiina way u suuragashay riyadaas, laakiin gabadha aabbaheed waxaa ugu dambeysay habeenkii uu galmada la sameeyey.
Hadda, waxay nolosheeda iyo midda inanteeda ku maareysa in reeraha jaarka ah ay u qabato shaqooyinka adeegtada si ay uga hesho quudkii ay ku noolaan lahaayeen. Waa kali aanu walaal iyo qaraabo midna uusan la joogin iyo agoon iska weynaatay oo aan labadeeda waalid kalgacalkooda iyo naxariistooda nasiib u yeelan inay dheefsato.
Jackline hayeeshe waqti waxaa jiray uga daran midka hadda ay ku jirto oo ugu yaraan ay ku heysato hoy ay jiifsato iyo hunguri ay cunto. Bilowgii halganka waxay ku qasbanaan jirtay inay waddooyinka ka dawarsato si ay ugu samata-baxdo. Laakiin hadda adduunka yar ee kasoo gala xooggeeda wuxuu ku caawiyaa inay ugu yaraan quuddareyso mustaqbal fiican oo ay gabadheeda kula noolaato.
Way adag tahay in qof lamid ah Jackline laga heli karo bulshada Somaaliyeed. Mana ka dhigna taas inaysan jirin kuwa loo naafeeyey ama loo dilay qabiilka ay ka dhasheen markii uu socday dagaalkii sokeeye. Waxay ka dhigan tahay in nimcada diinteennu ay inoo sahashay in qofna aan dhibta lagu eegan lagana jeesan mashaqada uu ku sugan yahay.
Waana waxa Somaalinimaduba ay ku dhisan tahay.
You must log in to post a comment.