Nin gubay Gabar uu adeer u yahay kaddib markii ay dhulka ku kaadisay!
Posted by: Himilo
in La-yaabka
October 11, 2018
918 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Nin ayaa fal arxan-darro ah kula kacay gabar laba sano jir ah kaddib markii ay dhulka ku kaadisay.
Ninkan oo ku nool gobalka Akamkpa, dalka Nigeria waxaa xiray booliska kaddib markii lagu soo Bacay cabaadka ka baxay inanta yar.
Marka loo eego booliska, ninkan ayaa gabadha u ahaa adeer. Waxaana looga tagay inay la joogto.
Gabadhan oo aan xirneyn wax banbas ah ayaa gaari waysay musqusha, waxayna ku kaajootay daaradda guriga.
Markii tiro dhowr jeer ah ay ku kaadisay, adeerku wuxuu go’aansaday inuu ciqaabo si aysan mar kale ugu kaadin dhulka.
Wuxuu ku xiray geed gudihiis, isaga oo kaddibna ka gubay labada lugood. Dadka deriska ayaa ka gaaray xaaladeeda, waxayna ula carareen isbitaalka.
Booliska ayaa xiray ninka, gabadha uu adeerka u ahaana waxaa la wareegay booliska si ay amaankeeda u ilaaliso.
Related
2018-10-11
You must log in to post a comment.