crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Aokigahara – Keynta Geerida ee la isku delelo dhexdeeda! | HimiloNetwork

Aokigahara – Keynta Geerida ee la isku delelo dhexdeeda!

Muqdisho (Himilonetwork) – Waxaa loo suntay kobta ugu habboon ee lagu dhinto sida uu ku qoray buuggiisa The Complete Manual of Sucide, qoraaga Wataru Tsurumi, Aokigahara waa keyn mugdi ah oo dhacda ardaaga buurta Fuji taas oo ku caan ah kob geeriyaad.
Qofna ma oga dhab ahaan inta nolol ee ku hoos dhintay geedaha keynta, hayeeshe inta laga helay ayaa farriin argagax leh kasoo diraysa dhexdeeda. Sanadkii 2002 oo kaliya, 78 qofood ayaa laga dhex helay. Qaar kamid ah dhibanayaasha ayaa xittaa sitay buug uu qoray Tsurumui taas oo sii cuuryaaminaysa rajada laga qabo la tacaalisteeda.
Hareeraheeda oo dhan waxaa ka muuqda astaamo hoga-tusaaleyn iyo waano ah sida: fadlan dib u tix-geli ama fadlan la tasho booliska kahor inta aadan go’aansan geerida! Hayeeshe talooyinkani waxay u muuqdaan kuwa aan saameyn weyn u lahayn kuwa go’aansaday inay is dilaan.
Sababaha dadku u doorbidaan inay iskugu dilaan keynta waxaa ugu muhiimsan iyaga oo aaminsan in buurta Fuji ay tahay mid karaamaysan.
Muuqaallada argagaxa leh ee lagu arko dhexdeeda waxaa kamid ah dad is daldalay oo kasoo laadlaada geedaha iyo kuwa qeyb ahaan ay cuneen dugaagta keynta ku nool. Dhawaqyada codadka dabiiciga ah ee kasoo baxa geedaha keymaha, waxaa mar walba ku laran dareen dhiiloon oo dadku ka qaadaan marka dhegtooda ay kusoo dhacdo.
Aokigahara waxaa loo tix-geliyaa meesha ugu argagaxa daran gudaha Japan iyo mid kamid ah goobaha ugu cabsida badan dunida. Waana meesha ugu weyn ee dadka lagu qiyaaso 30-ka kun sanadka kasta isku dilaan gudaha dalka saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ay nafta isku dhaafiyaan. In kasta oo keyntani qeyb ahaan ay sal-dhig militarigu ku tababbarto ay u tahay Japan, haddana sida muuqata waxaa jira laba waqti oo is weydaaran oo halkan laga bartay.
Waxaase jira boolis joogto hadda uga howl-gala keynta dhexdeeda – iyaga oo dadka ay la kulmaan su’aalaya sababta ay halkan ku yimaadeen. Halka xarumo si gaar ah oo lagula tacaalo seykoloji ahaan dadka qaba walwalka ay si weyn u howl-galaan.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!