Nin daroogiiste ah oo soo koray gaariga booliska isaga moodaya taksi.
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
January 2, 2018
495 Views
Muqdisho – Qandaraasle daroogo kaas oo u degdegsanaa aqalkiisa isaga oo sita kartoon daroogada Marijuanada la yiraahdo ayaa si kedis ah ugu dhacay gaariga booliska, marka loo eego booliska Denmark.
Booliska Copenhagen ayaa sheegay inay jeelka dhigeen qandaraaslahan oo aan la heyb-sheegin kadib markii lagu soo oogay inuu ku lug lahaa iibinta daroogada.
Ninkani wuxuu wajahayaa falka danbiyeedka la xiriira ganacsi sharci-darro ah. Haddii la xukumo wuxuu xabsiga ku qaadan doonaa muddo 8 sano ah.
Marka loo eego baaritaanka booliska, falka wuxuu soo shaac baxay maalintii Jimcaha.
Ninkan oo sita baakad ay ku jirto daroogo ayaa halhaleel ugu degdegsanaa gurigiisa.
Maadaama ay mugdi ahayd, wuxuu soo galay gaariga booliska isaga oo moodaya mid taksi.
Wuxuu intaas kadib wadihii amray inuu kaxeeyo.
Markii darawalkuu soo jalleecsaday, ninkani waxaa la yaab la noqday inuu boolis yahay oo uusan ahayn darawalkii taksiga.
Sarkaalka ayaa baaris ugu galay baakadiisa, wuxuuna ugu tagay daroogada.
Booliska ayaa bartooda bulshada ku daabacay nasiib la yaabka leh ee fadhigooda ugu yimid.
Related
2018-01-02
You must log in to post a comment.