crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Philadelphia oo daryeel caafimaad oo ‘free’ ah u sameynaya Danyarta. | HimiloNetwork

Muslimiinta Philadelphia oo daryeel caafimaad oo ‘free’ ah u sameynaya Danyarta.

New York (Himilonetwork) – Muslimiinta Maraykanka ee ku nool Philadelphia ayaa maalintii Axadda ahayd furay xarunta caafimaad oo si lacag la’aan ah loogu dabiibo dadka danyarta ah iyo saboolka.
“Ugu danbeyntii waan furnay albaabada, waxaana aynu sheegi karnaa inaan lamid nahay kuwa nala midka ah,” Dr. Ammar Shahid, oo agaasime ka ah Xaruntan lagu magacaabo SHAMS ayaa u sheegay saxaafadda.
“Waxaan wada gaarnay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo goobaha ay ku cibaadeystaan. Waxaana aynu u sheegnay inay halkan iyaga u furan tahay,” ayuu sii raaciyay.
SHAMS oo magac ahaan loo soo gaabiyay Social Health and Medical Services, waxay afka Carabiga ku tahay Cadceed. Dadka danyarta ah ee Maraykanka ku nool ayaa lagu qiyaasaa 400,000. Xaruntanina waxay kaalin muuqataa ka ciyaari kartaa inay qeyb ka noqoto daryeelkooda.
Waxay sidoo kale gacan daryeel u fidin doontaa 75,000 oo Muslimiin ah kuwaas oo adeeggan ka faa’iideysan doona.
Dhaqaatiirta ilaa yo hadda ka howl-gelaysa waa 10 dhaqtar oo ku kala gaaroobay cudurrada guud.
Hoy-gelinta, in qofku iska diiwaan-geliyo ceymiska, adeegga bulshada, barnaamijyada dowladdu uga faa’iideyso muwaadiniinta iyo waxyaale kale ayay xaruntani ka caawin doontaan dadka danyarta ah, marka si guud looga yimaado adeegga caafimaad ee bilaashka ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!