Muslim diiday inuu Timaha u jaro Gabar yar oo Dacwad laga gudbinayo.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
April 17, 2018
890 Views
Sydney (Himilonetwork) – Tima-jare ku nool dalka Australia ayaa aad uga niyad xun kaddib markii ay dacwad ka gudbisay haweeney sheegtay inuu bahdilay gabadhiisa maadaama uu ka diiday inuu timaha u jaro.
Sam Rahim, oo ah aabe laba carruur ahi u joogaan, wuxuu xarun timaha lagu qurxiyo ku leeyahay xaafadda Hunters Hill ee magaalada Sydney.
Rahim oo muddo badan madaxa usoo jarayay rag oo kaliya, ayaa sheegay in haweeneydan ay u timid – iyada oo doonaysa in gabadheeda timaha loo jaro.
Rahim wuxuu u sheegay inuusan xariif ku ahayn sida gabdhaha ama haweenka timaha loogu jaro.
Wuxuuna u tilmaamay inay aado goob aan aad uga fogeyn oo dumarka iyo gabdhaha timaha loogu jaro.
Si kastaba, haweeneydan ayaa aad u carootay, waxayna falkiisa diidmada ah ku tilmaantay takoor ka dhan ah dumarka.
Hadda waxay dacwad diidamadiisa la xiriirta ka gudbisay hey’adaha xuquuqda muwaadinka ee dalkaas sida Australian Human Rights iyo Equal Opportunity Commission (HREOC).
Rahim wuxuu sheegay in isaga iyo afadiisa ay dareemayaan culeys weyn maadaama aysan si halhaleel ah ku qabsan karin qareen difaaca.
Related
2018-04-17
You must log in to post a comment.