MUQDISHO (HN) — Xabadaha iyo bululeerada loo ridayo dabaal-dega iyo gaadiidka ciidanka dowladda oo magaalada ku xiimaya – halkaas oo shacab badan ay iskaga tallaabayeen degmo ka degmo waxay ahayd dhacdo afar sano kahor taariikhi ah oo aan horay uga dhicin caasimadda. Maanta, isla dhacdadaas oo kale ayaa laga fishay caasimadda inay mar labaad ka dhacdo – hubaashiina qaar badan waxay arkayeen oo ay maqleen gaadiid ciidan iyo dhawaqa xabado culus oo daryankooda laga dareemay badi magaalada habeenkii xalay.
Hayeeshe, halka ay muuqaal ahaan isku ekaan karaan dhacdooyinku haddana waxaa aad u kala duwan farriimaha iyo dhambaallada ay sidaan. Farriinta maanta, aad bay runtii uga weydaaran tahay middii shalay. Qaar badan, kala eegis la’aan, waxay u tahay dhammaadka xukun ballamihii uu qaaday aysan waxba kasoo naasa-caddaan; in kale, waxay u arkaan abaal-dhac lagu sameeyo hoggaanka talada haya oo wax badan oo muuqda – xattaa haddii aysan qeyb ka aheyn kuwii uu ballamaha ku qaaday – dalkan ka hir-geliyay.
Kuwa badan oo laga yaabo inay qeyb ka ahaayeen dabaal-deggii afar sano kahor, siiba ciidanka dowladda, looma fileyn inay weji kale uga qeyb noqon karaan waxa maanta dhacay. Sida filashadu u badan tahayse, ma ahan ciidan oo kaliya, mana shacabka oo dhan. Tani waa tallaab ay si weyn dabada uga riixayaan siyaasiga iyo saxaafadda.
Farmaajo waa madaxweynihii ugu shacbiyadda badnaa ee soo mara taariikhda qormaysa ee dowladnimada Somaaliya. Waana markii ugu horreysay oo shacabku ay taas ku muujiyeen dabaal-deg iyo soo dhaweyn. Hadal kama taagna in bilowgii xukuumadda RW Kheyre iyo MD Farmaajo ay ra’yul caamka bulshada ku qabsadeen tallaabooyin xal ula muuqday oo kasbashada shacabka iyo rabitaanka ay u qabaan hoggaaminta halheyska looga dhigay NabadIyoNolol meel sare ku dhigay.
In kasta oo sida cad wax badan oo laga qaban karay aan lagu guuleysan, haddana xaqiiqdu waxay tahay wax badan oo aan laga fileyn dowladda jirta inay ku guuleysatay. Doodda ciwaankayguna kuma saabsana labadaas midkood.
Waxaan wali la fahmi karin sababta Farmaajo u diidaysa inuu qaado isla tubtii ay mareen kuwii isaga ka horreeyey kuwaas oo muddo kororsi gaaban ku sameeyey hirgelinta ajendayaashii horyiil. Waxaase taas burinaysa iltuhun oo lagu eegayo habka loo marayo iyo goortii ay ahayd in lasoo bilaabo diyaarinta iyo qorsheynta doorashada oo sansaanteedu aanay ka muuqan xukuumadda hadda jirta. Waana midda ay daliishan karaan xubnaha mucaaradka ah oo gebi ahaanba saluugsan qunyar-u-socodsiinta qabanqaabada iyo qabashada doorashada oo, sida ay qabaan, ay ahayd goor hore in laga soo bilaabo.
Sugnaan la’aanta ka jirta hirgelinta iyo qabashada doorasho loo dhan yahay oo dowladda hadda ay uga soo hormareen caqabado badan, waxay marwalba noqoneysaa dhaliisha ugu weyn. Waase sida loo waijihi karo kala-guurka iyo go’aanka laga yeeli doono muddo xileedka maadxweynaha oo waqtigiisu dhammaaday, midda ugu muhiimsan in la isla fahmo. Markaas kaddib ayaa si wadajir ah loogu diyaargaroobi doonaa goorta ugu dhow uguna maangalsan oo la guda-galayo doorashooyinka.
Ereyada iyo qoraallada caadifeysan oo ay is weydaarsanayaan mucaarad iyo muxaafid intuba, waxay guntii dhalin karaa kicin dadweyne iyo fowdo. Waa lama huraan in halbeeg dhab ah la saaro hadallada iyo go’aannada horay loogu qaadayo aaya-ka-talinta dalka si aan kala shaki iyo awoodsheegasho loogu beerin shacabka.
Dhammaadka muddo xileedka xukuumad walba, kama dhigna gabagabada dowladnimada Somaaliya. Waana amin – mucaarad iyo muxaafid intaba – looga fadhiyo inay ilaaliyaan xasiloonida waddanka oo aysan tooda gaarka ah uga dhex fiirsan midda dadweynaha. Waxaa kale oo muhiim ah in lagu baraarugo caqligu inuu yahay midka sugan oo lagu suuragelin karo xasiloonida; oo xamaasadda iyo caadifaddu aanay marnaba noqon karin kuwa na mideyn kara.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com.
You must log in to post a comment.