Masjidkii ugu horreeyey Afrika oo dib loo dayac-tirayo.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
October 27, 2018
766 Views
ADDIS ABABA (Himilonetwork) – Masjidka al-Najashi oo la rumeysan yahay inuu yahay masjidkii koobaad ee laga dhiso qaaradda Afrika ayaa soo jiidanaya indhaha dalxiisayaal badan kaddib markii dayac-tiraad ay ku sameysay Hey’adda Gargaarka Turkiga.
“Markii aan aqrinayay taariiqdiisa waxaa maskaxdayda ku dhisnaa sawir qadiimi ah, laakiin aragtidiisu waa mid soo jiidasho leh oo aad moodo in shalay la dhisay,” ayuu yiri Nasir Saidi Salih, oo ah dalxiise ka yimid dalka Jarmalka.
Masjidku wuxuu dhacaa degmada Wuqro, oo fogaan dhan 790 kilomitir waqooyi kaga beegan caasimadda Addis Ababa. Waxaana la sheegaa inuu yahay midkii ugu horreeyey ee qaaradda Afrika laga taago.
Wuxuu kaabiga ku hayaa qubuuraha qeyb kamid ah Saxaabadii Nabiga ee usoo hijrooday Dhulkii Xabashida markii uu Boqor Najashi ahaa midkii ay kusoo baxsadeen xaggiisa.
Waxaana dhismihiisa kaddib loogu magac-daray Boqor Najaashi oo diinta Islaamka qaatay kahor geeridiisa.
Masjidka waxaa hadda dhismo cusub ku sameeyey Hey’adda Turkiga laga leeyahay ee TIKA.
Imamka Masjidka ayaa Hey’adda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay dhismihiisa oo taniyo markaas soo jiitay indhaha dalxiisayaal badan. Waxaana kamid ah kuwa aan Muslimiin ahayn – Masiixiyiin.
Masjidka Larabanga oo ku yaala dalka Ghana ee Galbeedka Afrika iyo Masjidka Amr ibn al-As oo laga dalka Masar 641–642 AD.

Related
2018-10-27
You must log in to post a comment.