crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid Minaarad leh oo laga dhisayo Koofurta dalka Croatia. | HimiloNetwork
A general view of Croatia's UNESCO protected medieval town of Dubrovnik August 28, 2012. REUTERS/Marko Djurica/File Photo

Masjid Minaarad leh oo laga dhisayo Koofurta dalka Croatia.

Zagreb (HN) — Riyada ah yeelashada Masjidkii ugu horreeyey oo leh minaarad in laga dhiso magaalada Dubrovnik ee dalka Croatia ayaa u muuqata mid muddo laba sano gudaheed ah ku rumoobi doonta, sida laga soo xigtay Total Croatia News.


Fehim Vukotic oo ah madaxa bulshada Muslimka ah ayaa yiri: “Mashruuca dhismahani wuxu u muuqda mid hir-galaya. Wax badan ma qaadanayso inaan helno fasaxa dhismaha si aan u guda-galno.”

Masjidka ayaa laga dhisi doonaa Gruz Area ee magaalada Dubrovonik. Waxaana loo dhisi doonaa qaab-dhismeedka loo dhiso masaajidda Marookaan ah.

Marka loo eego tira-koobkii 2011-ka, 1500 oo Muslimiin ah ayaa ku nool magaaladan, waxaana lagu wadaa inay tiradoodu korodho.

Muslimiinta Croatia waxay asal ahaan kasoo kala jeedaan Bosnia, Turkey, Albania iyo dunida Carabta. Guud ahaan dalkaasi, waxaa ku yaalla 15 masaajid oo saddex kamid ah ay leeyihiin minaarado.

Xarunta Islaamiga ee Zagreb waxay sannadle u qabataa tartamada diiniga ah sida xifdinta Qur’anka kariimka ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!