MUQDISHO (HN) — Rajanta ajar Ilaahay agtiisa ah, laacibka xulka qaranka lagu naaneyso Gorgorrada Waaweyn, Ahmed Musa oo kabtan u ah dalkiisa Nigeria ayaa sii wada inuu deeq kaalmooyin ah gaarsiiyo danyarta iyo maheystada – isaga oo kaalmadii ugu dambeysay oo uu bixiyo ay ahayd lacag dhan N20,000 taas oo uu u qeybiyay dad ku nool Jos, Plateau State.
Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinayay laacibka oo si shaqsi ah gurigiisa hortiisa ugu qeybinaya dad fadhiya. Waxaana dadka ka faa’iiday kaalmadiisa kamid ah harqaanlayaal, dalag-iibiyayaal, baalashlayaal, iyo in kale oo ganacsiyada yaryarka ah ku shaqeysta.
Laacibkan ayaa marwalba astaan u ahaa wax-bixinta iyo kaalmeynta. Tusaale ahaan, sannadkii 2018-ka, Axmed Musa wuxuu xabsiga kasoo furtay 40 qof oo u xirnaa qaan lagu sheegtay. Sannadkan 2022 bilowgiisa, wuxuu adduun lacageed oo gaaraya 1,500$ ugu deeqay dhismaha Masjidka laga dhisayay dalka Senegal xilli ay socdeen cayaaraha Koobka Qaramada Afrika.


You must log in to post a comment.