crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sucuudiga oo markii ugu horreysay xujeyda siin doona adeeg caafimaad. | HimiloNetwork

Sucuudiga oo markii ugu horreysay xujeyda siin doona adeeg caafimaad.

MUQDISHO (HN) — Sucuudiga ayaa markii ugu horreysay soo kordhiyay adeeg caafimaad oo xujeyda sannad kasta soo xajinaysa u fududeyn doona in si dhib yar looga haqabtiro baahiyaha caafimaad.

Holodoctor waa nuuciisa kii ugu horreysay oo Boqortooyada Sucuudiga usoo kordhiso xujeyda Guriga Ilaahay booqata sannad kasta.

Cimilada iyo cunnada ka duwan midda ay dalalkooda ku barteen, waxay xujey badan ka qaadaan cudurro iyo xanuunno. Waxaa kale oo mararka qaar dhacda in xanuunno soo booddo ah ay la kulmaan. Mana dhici jirin aalaaba in daryeel u gaar ah xujeyda loo diyaariyo, marka laga reebo sannadkan.

Adeegga caafimaad ayaa u fududeynaya xujeyda inay xarumahooda ku helaan dhammaan wixii taakulo iyo talooyin caafimaad la xiriira. Cuddarada waaweyn sida Qalalka, Macaanka, Dhiigkarka iyo xanuunnada yaryar sida hargabka iyo wixii la halmaala ayaa laga dabiibayaa xujeyda.

Sannadkan ilaa iyo hadda waxaa gaaray Sucuudiga ku dhawaad 300,000 oo xujey oo dunida dacalladeeda uga yimid dhinaca cirka. Waxaa kale oo jira tiro gaaraysa 50,000 oo soo guday xuduudda dalka.

Waana sannadkii koowaad oo la fasaxo in xujeyda caalamka ay gudan karaan acmaasha xajka iyo cumrada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!