MUQDISHO (HN) — Walter Orthmann, waa 100 jir u dhashay dalka Brazil kaas oo hal shirkad oo kaliya u shaqeynayay taniyo sannadkii 1938. Wuxuuna ku galay Buugga Dhacdooyinka duida lagu dhigo ee Guinness Book of Records.
Orthman wuxuu shaqada ka bilaabay shirkadda Industrias Renaux S.A bishii January 17, 1938, markii uu 15 jir ahaa. Wuxuu caawiye ahaan kaga mid noqday waaxda soo dejinta bedeecadaha. Laakiin gu’yaalo is cirbinaya kaddib, waxa loo soo wareejiyay qeybta maamulka – kadibna wuxuu kasii noqday madaxa iib-geynta.
Muddadii uu shaqadaas ku guda-jiray, Walter wuxuu duullimaad ku maray dunida dacalladeeda wuxuuna ku dhoofay diyaarad walba oo Brazil ka howgasha – isaga oo lacago kala duwan oo qalaad ay gacantiisa kusoo dhacday.
“Waa inaad barataa shaqada oo aad ku raaxaysataa qabashadeeda,” ayuu yiri.
Si kastaba, sannadkan ayaa diiwaanka dhacdooyinka loo bandhigay sheekadiisa. Wuxuuna noqday qofkii ugu muddada dheeraa xagga shaqada. Laakiin, yaabka jira wuxuu yahay, ma quudareynayo inuu howlgab noqdo. Mana doonayo inuu ka tago shirkaddii uu cimrigiisa ugu deeqay.
You must log in to post a comment.