crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Gabadha 12 jir Hooyo ugu noqotay 7 Carruur ah. | HimiloNetwork

La kulan – Gabadha 12 jir Hooyo ugu noqotay 7 Carruur ah.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo 12 jir ah ayay hooyo u noqotay 7 carruur ah. Hadda waa 18 jir waxayna la qabsatay nolosha hooyonimada.

Waalidnimadu – siiba hooyanimadu – waa mas’uuliyada ugu adag nolosha balse ugu wax soo saar badan. Madaama juhdiga barbaarinta dhallaan kusoo biiray oo aan wax isku tari Karin ay u baahan tahay howl joogto ah, sabir iyo dulqaad.

Waana midda ay dusha ridatay Matulda oo sida hooyooyinka kale ku jirta shaqo maalinle ah.

Laakiin dhabtii Matulda ma ahan hooyadii dhashay 7 carruur.  Waa walaashood ka weyn oo booskii hooyada u gashay walaalaheeda ka yaryar kuwaas oo hadda wax aan hooyo ka ahayn ugu yeerin mar walba oo ay la hadasho.

Hayeeshe tani waa un hal dhinac oo nolosheeda hooyo-nimo kamid ah. Gu’yaalihii dhawaa waxa mas’uuliyadaas u dheeraa xanaanada iyo daryeelka aabaheed oo bukaan-jiif ah.

Markii hooyadeed ay noloshooda uga dheeraatay bugtada badan ee aabahood, Matulda waxay ku qasbanaatay inay isaga harto tacliinta si ay booskaas u buuxiso. Hadda ilmaha ka yaryar unbaa aadaa iskuulka. Iyaduse waxay ku hartaa maareynta howsha guriga.

Kaliya wixii ay u heli karto ayay u karisaa. Waxaa kale oo howljoog ah ugu filan la kacaa-ku-fidda aabaheed oo dhulyaal ah. Marka aad u fiirsatid muuqaalkeeda, waxaad fahmaysaa inay tahay gashaanti duruufuhu qayireen quruxdeeda.

Hayeeshe, taasi lur kuma hayso Matulda harsi la’aanta joogtada ah ee ku heysata guriga ay uga laxaw badan tahay maqnaanshaha hooyadeed oo aanay arag muddo lix sannadood ah.

Ilmo uu hadda ugu yar yahay 7 jir ayay daryeeshaa. Waana tiirka qura ee u taagan samata-bixinta qoyskeeda.

Laakiin tabaalaha adag oo ay ku jiraan keligeed kuma qasbin inay isaga harto tacliinta. Walaalkeed ka yar oo – si uu uga caawiyo reerka dhacsiga awgiis – uga haray wax-barshada ayaana lamid ah.

Labaduba hadda waxay iska kaashadaan mas’uuliyadda qoyska. Walwalka heysta wuxuu yahay in marba midkood uu isaga haro wax-barashada madaama aysan awoodi Karin bixinta lacagta iskuulka.

Xaaladda aabahoodna waxay u muuqataa mid aan waxba laga qaban Karin. Dhowr jeer oo uu isbitaallada booqdayna waa loo deyriyay. Xattaa rejadii yarayd hadda way ka dhimatay. Waxa kaliya oo uu naawilayana, waa un inuu arko ilmihiisa oo ka xorooba gaajada iyo wax la’aanta – gaarana isku filnaanshiyo.

Iyaguna ma mooga kaalintooda. Waxayna hadiyo gooraale la dul taagan yihiin kaalmadooda. Waana un iyaga kuwa uu gacantooda ku samata-baxayo. Ka Matulda ahaan, tani waa mas’uuliyad ay ugu dambeyntii la qabsatay. Waxaadna moodaysaa in xaggeeda loo dhalay.

Waxayna awoodaysaa inay qaabeyso nolosha ilmaha ka yaryar iyo xanaanada aabaheed.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!