crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kuuriya oo kordhinaysa goobaha ay ku cibaadeystaan Dalxiisayaasha Muslimiinta ah. | HimiloNetwork

Kuuriya oo kordhinaysa goobaha ay ku cibaadeystaan Dalxiisayaasha Muslimiinta ah.

Seoul (Himilonetwork) – Dowladda Koofur Kuuriya ayaa shaacisay qorshe ay ku dhiseyso dhowr meelood oo ay ku cibaadeystaan dalxiisayaasha Muslimiinta si ay u fuliso baahida isasoo taraysa oo ay u qabaan goobo ay ku fuliyaan amarrada ruuxiga ah ee diintooda.
“Badi Muslimiintu waxay ka dukaameystaan Myeong-dong iyo Dongdaemun, waana goobo ay ku yar yihiin meelo lagu tukado, waxaana dareemi karnaa in dalxiisayaasheennu aysan qanaacadii loo baahnaa u heynin socdaalkooda halkan,” ayaa laga soo xigtay mid kamid ah saraakiisha magaalada.
Dowladda ayaa qorsheynaysa inay maal-geliso adduun dhan $190,000 oo ay ku dhiseyso goobo  ay ku cibaadeystaan dalxiisayaasha Muslimiinta ah siiba meelaha aad loogu damaashaadka tago.
Qolalka cibaadada ee lab iyo dhedig ayaa loo kala weydaarin doonaa, waxaana mid kasta laga heli doonaa salliyo lagu tukado iyo kitaabo Qur’aano iyo diini kale oo la aqristo.
Tirada dalxiisayaasha Muslimiinta ah ee booqanaya Koofur Kuuriya ayaa aad usii badatay sannadihii danbe – halkaas oo tiro aan yareyn ay sannad walba u dalxiis tagaan.
Inta badan goobaha lagu tukado waxaa laga heli karaa isbitaallada, xarumaha kale ee wax-barashada, garoomada diyaaradaha iyo wixii la halmaala.
Muslimiinta Kuuriya Koofureed ayaa sannad walba waxaa kusoo biira tiro badan oo Muslimiin cusub ah oo marka laga yimaado dalxiisayaasha Muslimiinta ah ay jiraan in kale oo dhalad ah kuwaas oo doorta inay kamid noqdaan qoyska Muslimiinta.
Islaamka ayaa taariikh fiican ku leh dalka Kuufur Kuuriya – halkaas oo masjidkii ugu horreeyey laga dhisay sannadkii 1978-kii.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!