crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jaceyl ma loo dhintaa?! (Qisso Jaceyl ah oo xanuun badan). | HimiloNetwork

Jaceyl ma loo dhintaa?! (Qisso Jaceyl ah oo xanuun badan).

 Hargeysa (Himilonetwork)  – Ma laha inta badan marka ay dhagaha soomaalida kusoo dhacdo su’aashani waxa ay isla markaaba xasuustaan qisadii Cilmi boodhari iyo hodan ee magaalada berbera. inkastoo meelaha qaar soo warinta qisadaasi doodo laga keeno.
Balse’ aan maata halkan idin kula wadaago mid kamida qisooyinka ugu layaabka badan ee laga soo raro Carabta.
Waa Qisada Curwa iyo Cafraa!
Curwa waxa la sheega in aabihi geeriyoodey isagoo yar, waxaana masuuliyadii korintiisa tunka uritay oo loo wareejiyay guriga adeerkii Ciqaal. Ciqaal waxa uu dhaley inan yar oo aad uqurux badan oo la yidhaa cafraa.
Waa laba caruura oo ilmaadeera, waa ciyaal labaduba, waa Curwa iyo Cafraa, waxa ay kusoo wada barbaareen gurri, waxa ay soo wada qaateen waqti ciyaar iyo caruurnimo. Waxa ay noqdeen dadka kuwa isugu afgaradka dhaw. ilaa ay ku koreen jaceyl xadkiisu xadhkaha goostey oo midba uqaadey midka kale.
Markii ay weynaadeen ee jacaylkiina soo if baxay ayuu go’aan ku gaadhey curwaa intuu nin iska dhigo gabadha ay ilmaadeerka yihiin inuu adeerkii weydiisto.
Curwa, markii uu arrinkii usheegey adeerkii, adeerkii aad buu ugu farxay waanu soo dhaweeyay laakiin curwa hal arrin ayaa caqabad ku noqotay waa maal. curwaa wax xoolo ah waxa uu ka haystaa 8 halaad. adeerkiina waxa uu meher ahaan ucodsadey 80 halaad. curwaa isagoon awoodin sideed halaadna xoolo ka haysta ayuu aqbalay arrinkaa, waxaanu ku yidhi ” adeer laba sanno iiqabo waan shaqo tagayaa, dhulka ayaan dawaafaya, anaa keenaya xoolaha “
Sidii ayuu ku dhaqaajiyay Curwa isagoo dhulka soconaya baadigoobayana shaqo, sanad iyo badh markuu kasii maqnaa deegaankoodi ayaa waxa yimi tuuladi nin maal qabeen ah oo ka yimi waqooyiga shaam, mar kalana waxa la sheega ciraaq.
Ninkaasi maalqabeenka ah waxa uu deegaankii ku arkey gabadhii quruxda badneyd ee Cafraa, waxaana uu weydiistey aabaheed inuu siiyo inantiisa. aabaheed’se waaa ka cudurdaartey isagoo balantii curwa xasuusan. ninkii taajirka ahaa muu quusane waxa uu hadana utagey inanta hooyadeed waxaanu ku qanciyay hadii ay ay uguuriyaan inantooda iney nimceysan doonaan ee odeyga ku qanciso inuu iska badelo mawqifkiisan uu ku dhagan yahay !
Islaantii waxa ay utimi odeygii ciqaal waxaaney ku tidhi ” imika curwa sanad iyo badh ayuu maqan yahay, meel uu cag iyo cidhib toona dhigey la garan maayo, inuu nool yahay inuu dhintey lama garanayo ee inantiina wey weynaatay oo rag badan oo jaah iyo mansabba leh ayaa soo doonaya ee ninkan maaqabeenka inanta sii ” sidii ay ugu wadey wey ku qancisey, isna waa aqbaley sidii ayaa Cafraa oo aan raali ka ahayn oo la juujuubayo beerkuna ka olaalayo khiyaanada luugu dhisey waxaanu u kaxastey dhulkii uu ka yimi.
Labadii sanno markii ay dhamaadeen ayaa curwaa oo xoolahii wadaa reerkii dulkeeney. markii odeygii adeerkii maqlay warkaa curwaa ayuu naxay, oo wax uu sameeyo garan waayay, waxa uu is weydiiyay maxaad ku tidhaa ? intuu qabri cusub oo meel halkaa ah ku yaal dul keenay curwaa ayuu ku yidhi, ” cafraa waa dhimatey, oo qabrigeedina waa kan ” Curwaa naxdin iyo amakaag, oohin iyo murugo ayaa kusoo kasoo hadhey.
Markii laga yaabey xaalkiisa illinta iyo murugadiisa ayaa mar danbe la yidhi ” waar cafraa ma dhimane. nin caynkaas ah ayaa guursadey oo magaalo hablaayo ayaay dagantahay”
Curwaa waa soo dhaqaaqey hadana oo waxa uu yimi magaaladii ay daganeyd cafraa, waxaanu soo martiyay sawjedkeedi. cafraa ninkeedi waa soo dhaweeyay si fiicana waa umarti soorey. maadama dhaqanka carabta ragga martida ah iyo haweenka guriga jooga inta badan aaney is arki jirrin, Curwaa si ay ugarato cafraa inuu yahay ninka martida ah ee guriga jooga waxa uu ku tuurey fargalkiisi weelkii biyaha luugu keenay, markii ay jaariyadii yareyd celisay weelkii ee ayay arragtey carfaa fargalkii. waxaana ay markiiba aqoonsatey in fargalkan uu yahay kii Curwaa. wey naxdey. waxaana ay go’aan ku gaadhey iney xaaskeeda u sheegto arrinkii.
maadaama uu xaaskeedu maqlay qisada in badan isna talo ayaa ku cadaatay waxaan go’aan ku gaadhey inuu ufuro cafraa. waxa uu utagey curwaa waxaanu ku yidhi ” imika ayaan kuu furayaa hadaad diyaar utahay inaad guursato inaad guursato ” waxa’se diidey in loo furro curwa waxaanu ka codsadey kaliya inuu arko markii ugu danbeysay. waanu arkey sidii ayaanu kusoo maca salaameeyay.
waxa’se la sheega in markii uu gurigiisa soo gaadhey furaashkii uu ku dul fadhiistey dhaqdhaqaaq iyo nuuxsi midna laga waayay, koomo inuu kujirro iyo inuu noolyahay in maalmo lakala garan waayay ilaa aakhirkii geeridiisi lasoo xaqiijiyay,
warkii dhiilada lahaa waxa uu muddo yar oo kooban ku gaadhey Cafraa oo iyada lafterkeeda murugada iyo ciilkaabkii hore dusheeda aanu ka bi’in ama ka muuqdo
naxdintii, murugadii iyo caloolxumowgii ayay iyana la sheega iney maalmo uun ka danbeysay, oo xabaashiisi lagu garab aasey.
sheekadan riwaayado kala duwan ayaaa lagu soo wariyaa markaa hadii aan meelaha qaar uqorey si ka duwan sida aad u akhridey ila waadag, hana iga ahaato afeef. waxa kale oo aan ka afeefanayaa gabayada carabiga ah ee jaceylka ee uu tiriyay curwa iyana meelo kale ayaaynu kusoo qaadaneynaa.
W/Q: Dr Abdulkareem Ali Boltuur.
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!