MUQDISHO (HN) — Waa 5:00 galabnimo. Saacad oo qura ayaa ka harsan afurka. In Diyaargarowgii ugu danbeeyana loogu jirana waxaad ka garan kartaa goobaha barafka lagu iibiyo.
Guuxa hugunka leh ee dalab-yeerintooda iyo is-garab riixa ay ugu haliilayaan in degdeg looga iibiyo barafka waxaad ka dheehan kartaa sheedda kore.
Isticmaalka barafka iyo soonka bisha Ramadaan waa laba shey oo ugu danbeyntii isku sidkan.
“Waa sidaan oo kale maalin walba,” ayuu yiri Axmed Cali, oo barafle ah muddo badan. “Baahida loo qabo way badan yahay, dabcanna tirada istaanbooyinka aan iibino tirsi malahan.”
Cali laga yaabee inuu barafle yahay sannadkii oo dhan. Balse xog-ururin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in gudaha bisha Ramadaan dadka iibiya barafka ay aad uga tira bataan sannadka intiisa kale.
Salaad Xuseen ayaana kamid ah.
“Xilliyada kale waxaan wataa Bajaajtayda, laakiin bisha Ramadaan barafka ayaan iska iibsadaa,” ayuu yiri Salaad, oo ah arday dhawaan ka qalin-jebiyay kulliyadda caafimaadka.
“Wallahi faa’iido muuqata ayaan ka helay iibintiisa, mana is laheyn sidaan ayuu u leeyahay gunno dhaqaale oo sugan.”
Doonista adag ee barafka, waxay dad badan si maalinle ah ugu qasbaysaa inay soo tiigsadaan goobaha lagu iibiyo barafka. Waayo iibkiisu waqtigan oo kale lamid ma ahan sannadka intiisa kale.
“Aniga galab walba ayaan halkan kasoo doonaa barafka,” ayay tiri Caasha oo 18 jir ah iyada oo saf gaaban ugu jira in saddex kun baraf ah loo xiro.
“Maba aqaan goor iigu danbeysay shaah aan cabo Ramadaanka dhexdiisa, waxaad moodaa in qof walba uu rabo wax qabow inuu dhuuntiisa mariyo.”
Hadda oo laga soo baxay saddex bilood oo xilli kuleylo ah, maxaa qasbaya in si aad ah loogu tiirsanaado barafka haddiiba xilli roobaadka la gelayo?
Waxaan hordhigay dhowr qof oo sugaal ugu jiray sida Caasha in baraf laga iibiyo. Laakiin dhammaantood kama helin jawaab ka duwan middii ay bixisay.
Balse si kasta oo loogu kala duwanaado jawaabta su’aashani, waxaa iska cad in qof walba uusan suuraysan karin afur bilaa baraf la’aan ah.
Taasina waxay goobtan iyo kuwa lamidka ahiba u tahay faa’iido dhaqaale oo bishan oo kale lacag fiican ay ka sameeyaan. Waxayna sii furnaanaysaa ilaa iyo caweys danbe si barafkii suxuurka la isticmaali lahaana looga gato.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
You must log in to post a comment.