crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ronaldo oo 1.5 milyan ugu deeqay Carruurta Falastiin. | HimiloNetwork

Ronaldo oo 1.5 milyan ugu deeqay Carruurta Falastiin.

MUQDISHO (HN) — Xiddiga dalka Portugal iyo kooxda Juventus, Christiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu adduun dhan 1.5 milyan oo doolar ugu deeqay carruurta Falastiin ee ku dacdareysan gudaha Gaza.


Tallaabadan ayaa la sheegay in Ronaldo uu uga gol leeyahay inuu garab istaag ugu muujiyo Muslimiinta Falastiin oo waqtigan ku sugan xaalad go’doon ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo xiddigani uu caawiyo Bulshada mayalka adag ee reer Falastiin, waxay aheyd sidan oo kale sannadkii 2012-ka, markii uu kobihiisa dahabka ah ugu deeqay si loogu iibiyo.

Sannadkii 2016-ka, Ronaldo ayaa farriin dhiirri-gelin iyo yididiilo leh la wadaagay Muslimiinta Siiriya ee dagaalladu halakeeyeen.

Sannadkii hore, wuxuu dunida ugu yeeray in la garab istaago carruurta Muslimiinta Rohingya ee ku dhiban xeryaha qaxootiga.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!