VIENNA (HN) — Sharci cusub oo gabdhaha Muslimiinta ah u diidaya inay xijaab u xirtaan dugsiyada hoose ayuu ansixiyay barlamaanka Austria – tallaab loo arkay inay ka-dhan tahay tira-yarta Muslimiinta ah, sida laga soo xigtay The Guardian.
Wax walba oo loo arki karo inuu sida xijaabka ka dhigan yahay daboolasha timaha madaxa ayuu sharcigu diidayaa.
Balse tiiyoo ay taasi jirto, xubnaha kale ee xisbiyada dalka ugu weyn ayaa tallaabtan ku tilmaamay mid lagu duleysanayo Muslimiinta.
Sharcigan, waxaa lagu tilmaamay astaan u taagan ama ka-dhan-ah Muslimiin iyo soo-galootiga. Qaar badan ayaa is weydiinayaa sababta aysan dowladdu xoogga u saarin horumarinta adeegyada aas-aasiga ah oo ay kaga mashquulayso mamnuucista xijaab yar oo madaxa lagu deto.
Islaamka ayaa xirashada xijaabka u arka hab labiseed sharci ah, mana uga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroodi.
Austria waxaa ku nool tiro lagu qiyaasay hal milyan oo Muslimiin ah.
You must log in to post a comment.