crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Iskuul Canadian ah oo Arday Muslimiin ah taageeraya gudaha Soonqaadka. | HimiloNetwork

Iskuul Canadian ah oo Arday Muslimiin ah taageeraya gudaha Soonqaadka.

MUQDISHO (HN) — Zainab Khan, oo ah ardayad Muslimad ah oo 11 jir ah, ayaa heshay maryo hadyado ah oo lagu mariimay farriimaha dhalashada bisha Soonqaad markii ugu horreysay nolosheeda wax-barasho ee dugsiga British Columbia.

“Waxaa la badbatay farxad iyo reynreyn,” ayay tiri. “Waa nasiib inaan kamid noqdo iskuulkaygan qiimaha badan.”

Laakiin waaya’aragnimada Khan ay ka heshay halkan aad bay uga duwan tahay midda Afrin Begum ay halkan kula kulantay sannado kahor.

Begum waxay sheegtay inay dadku moodi jireen inay tahay qof ehelkeedu ku cadaadinayaan soonka oo aysan iyadu dooran. Laakiin hadda arday walba oo Muslim ah kaas oo sooman su’aal kalama kulmo soonkiisa. Taas beddelkeeda wuxuu la kulmaa soo dhaweyn iyo bogaadin.

Xubnaha kala duwan ee iskuullada iyo xarumaha tacliinta sida maktabadaha ayaa lagu xardhaa boorar kooban oo ay ku qoran yihiin farriimo bogaadin iyo hambalyo ah oo la xiriira Soonqaadka.

Tani waxay arday badan sida Zainab Khan ka dhigtay mid xasiloon niyad ahaan kuna faraxsan dhexjoogga iskuulka.

Begum waxay ugu yeereysaa ardayda iyo barayaasha inay tallaab kale horay ugu soo qaadaan barashada wax walba oo ku saabsan diinta Islaamka iyo dabcan bisha Soonqaad iyo maalmaha Ciidda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!