MUQDISHO (HN) — Sideeda duhurnimo iyo Kawaanka Malaayga Degmada Wadajir oo kamid ah kuwa ugu waaweyn caasimadda ee loogu soo hagaago iibsiga kalluunka.
Sidii caadada ahayd ayuu Kawaankan u howlgalayaa taniyo markii loo dhisay si habeysan afar sannadood kahor.
Balse, Soonqaadkan iyo qiimaha Kalluunku lamid ma ahan Soonqaadkii hore, marka loo eego Aweys Abduqaadir Cusmaan oo muddo 20-sannadood ah ka ganacsada kalluunka.
“Kiiladii laba doolar ayaan ku iibin jirnay Soonqaadkii hore,”ayuu yiri. “Hadda 4-5$ ayaan iibinaa – sababtoo ah shidaalka ayaa nagu kacay iyo badduna sidii hore loogama heli karo kalluun badan.”
Dhowr nuuc oo malaay ah ayaa maanta laga heli karaa kawaanka. Jeedalkuna waa jaadka badan oo ay dadku doorbidaan inay iibsadaan. Marka la joogo bisha Soonqaadna, waxaa kordha baahida loo qabo iibsiga si guud. Maxaase bishan ka duway bilaha kale?
Aweys Cusmaan oo ku magac dheer Malaayow wuxuu ogsoon yahay sababta ka dambeysa.
“Dad aan bilaha kale halkan ku arag ayaa yimaada Soonqaadka,” ayuu yiri. “Waayo waxay rabaan in hilibkiisa ay wax badan ku suubsadaan sida sambuuska, waana ay jecel yihiin waqtiyadan oo kale.”
Dadka qaar oo aan kula kulannay kawaanka malaayga waxay noo sheegeen inay kalluunka iibsadaan marka qura oo ay suuqa xoolaha kasoo waayaan hilib ay cunaan. Hayeeshe, in kale, sida Hilaal Maxamed oo aanu la kulannay isaga oo loo kadafeynayo kiilooyin malaay ah, baahida uu u qabo kalluunka waa u joogto. Sabab ayaase usii dheer.
“Qiimo badan iyo qiimo jaban intuba waan ku qaataa, waayo macmiisha igu xiran ayaan u kariyaa – laakiin Ramadaankan oo weliba qaali uu nagu yahay, waad u jeedaa sida wali loo iibsanayo,” ayuu yiri Hilaal oo meherad maqaaxi ah ku leh degmada.
Malaayga waxaa loo iibsadaa hab naado ah oo ganacsata tafaariiqda doonaysa inay kusii iibiyaan ay ku gataan.
Yaryarka waxaa la iibiyaa nus doolar iyo hal doolar. Halka kuwa waaweynna la iibiyo mararka qaar 100$ ka badan.
Si kastaba, Malaayga wuxuu soo jabaa marka roobabku da’daan. Halka uu qiimo ahaan uu sare u kaco xilliyada jiilaalka ama kuleylaha.
Qore: Zaki Hiraale.
You must log in to post a comment.