Ghana oo Xal u heleysa Maareynta Mushkiladda Bacda- balastikada.
Posted by: Himilo
in Wararka
August 4, 2018
867 Views
Accra (Himilonetwork) – Caasimadda dalka Ghana ee Accra, waddooyinka waxaa ku daadsan qashin u badan bacaha balaastikada kuwaas oo mararka qaar xira bullaacadaha ay biyo ku shubmaan.
Cabitaannada biyaha waxaa lagu iibiyaa xirmo balastik ah oo yaryar qiimo ahaanna aad badneyn. Waxaana lagu iibiyaa jidadka iyo dukaamada xaafadaha. Balse durba marka laga cabo biyaha, waa la iska xooraa.
Markii hal-hindisaha reer Britain ee Stuart Gold uu arkay dhibta balaastikadu ku leedahay halkan, wuxuu haddana garwaaqsaday inay ku dhex jirto fursad ganacsi oo dahabi ah – dhismaha NGO qaabilsan ururinta qashinka balaastikada kaas oo shaqo abuur u noqon kara dad badan.
Fikirkiisu wuxuu ahaa in lasoo gurbiyo dhammaanba wixii qashin ah oo u badan balaastikada bacaha, la nadiifiyo kaddibna laga sameeyo boorsooyin fashion ah.
Laba sano iyo bar kaddib, boorsooyinka laga sameeyey qashinka balastikada waxaa laga sameeyaa 250 oo boorsooyin ah toddobaad kasta iyo 350 xabo oo kale oo isugu jira boorsooyin yaryar ee jeebka la geshado, dalladaha roobka iyo baagaga.
Sidoo kale waxay si lagu faani karo magaalada oo dhan uga soo ururiyeen 15 milyan bacaha qashinka ah kuwaas oo jidadka iska daadsanaan lahaa.
“Mid kamid ah dhibaatooyinka heysta Ghana waa qashinka dhooban jidadka,” Gold ayaa u sheegay CNN. “Mana jirto hab sugan oo lagu ururiyo mana lahan aqoonta la xiriirta dhibaatada ay degaanka ku heyso.”
“Dadku mar walba waxaa qasab ku ah inay biyo cabaan markay harraadaan. Marka ay cabaanna, way iska xooraan. Qaarkood gaariga ay ku safrayaan ayay kasoo tuuraan.”
Gold wuxuu sheegay in – in kasta oo ururinta qashinka uu meel fiican ka marayo Accra – haddana qashinka iyo wasaqda ka jirta aysan fari ka qodneyn.
Balaastikada lagu xooro waddooyinka ayuu sheegay inay iskugu tagayaan meelaha loogu tala-galay inay ku socdaan biyo kusoo da’da laamiyada taas oo sababi karta fatahaado badan. Kuwa kale ayuu sheegay inay halis gelinayaan noolaha – bad iyo berri – ku wada sugan.
Mashruuciisa Trashy Bags wuxuu dadka ugu yeeraa inaysan xoorin bacaha balastika balse ay iyaga u keenaan si looga iibsado. Kaddibna way la mayraa; la jeermi dilaa; laguna engejiyaa suudiga cadceedda kahor inta aan farsamada ugu danbeysa lagu soo saarin.
Hadba wixii markaas ka suura-gali kara in laga sameeyo ayaa laga soo saaraa balastikadii lasoo ururiyay sida dallad, baagaga xaragada, boorsadaha yaryarka ah iyo wixii la halmaala.
Waa shaqo ay inteeda badan qabtaan murug-maalka shaqaalaha, sidaas awgeed wax soo saarka Trashy Bags aad bay uga qaalisan yihiin kuwa kale ee warshadeysan, marka loo eego Gold.
Balse iibka wax soo saarkoodu kuma koobna gudaha Ghana. Sidoo kale dalalka deriska iyo kuwa fog sida Japan, Germany iyo Denmark ayaa loo dhoofiyaa. Dalxiisayaasha dalka yimaada ayaa si lamid ah u iibsada.
Caqabadaha ay wajahayaan ayaanse yareyn. Waqtiguna masiinayo fursadda ay heystaan in ka badan. Inay xoojiyaan tayada adeegooda iyo inay loolanka suuqa ku sugnaadaan waa labada dhinac ee halganka ay ku jiraan.
Wuxuu xusay in halgankoodu yahay sida dhibic ku dhacday badweyn oo aanay wali gaari karin heer ay mushkiladda balaastikada uga taqalusaan.
Dhinac ayaase ugu muhiimsan haddii ay doonayaan inay baahiyaan halgankooda. Waana tan uu rumeysan yahay oo ah in dadka la baro halista degaanka ku imaanaysa iyo sida habboon ee balastikada loola dhaqmi karo dhib la’aan.
Halka in la wada mamnuuco ay tahay mid aan xaqiiqoobi karin gebi ahaan, xaqiiqdu waxay tahay in hadda loo arkay inay tahay mushkilad qatarteeda lasoo koraysa.
“Dadka reer Ghana aad iskuguma howlaan daryeelka degaanka si gaar ah,” ayuu yiri Gold. “Tartiib-tartiib ayayna u arkayaan dhibta taagan iyo cudurrada dhalanaya. Wasaqeynta degaankuna waa kamid.”
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com
Related
2018-08-04
You must log in to post a comment.