crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Gabar Muslimad Muxajabad Hindi ah keligeed ma socon karto cabsi darteed.” – | HimiloNetwork

“Gabar Muslimad Muxajabad Hindi ah keligeed ma socon karto cabsi darteed.” –

MUQDISHO (HN) – Gabar Muslimad Muxajabad ah ayaa sharafkeedii lagu jiid-jiiday waddada waxaana dhacdadan soo qabatay kaamirada dadweynaha. Wuxuu ahaa fal cabsi iyo dareen kale oo shaki ah ku abuuray gabdhaha Muslimaadka ah ee ku nool Nagphani ee magaalada Moradabad.

Gudaha fiidiyowga waxaa laga dhex arkayaa nin dhinaca dambe uga imaanaya gabadhan kadibna dulmarinaya jirkeeda labadiisa gacmood. Dambiilayaha ayaa kaddibna wuxuu cantuugayaa labada naas ee gabadha si jujuub ah – iyada oo iska ururinaysa si ay isaga reebto. Wuxuuna intaas kaddib ka baxsanayaa goobta.

Gabadhan ayaa keligeed socotay markii falkani ku dhacayay mana jirin cid ka ag dhawayd goobta uu ku gacma-gacmaysanayay gabadha Muslimadda ah. Markii, si kastaba, muuqaalkani aad ugu baahay baraha bulshada, booliska Moradabad ayaa sheegay inay baaritaan ku bilaabeen kiiska.

Waxaa kale oo laamaha amnigu sheegeen inay la xiriireen gabadha oo ay u sheegeen inay caddaalad hor keeni doonaan dambiilaha.

“Dambiilaha waa lasoo xiri doonaa waana loo ciqaabi doonaa foolxumada uu ku kacay,” ayaa lagu yiri qoraalka boolisku soo saaray.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!