MUQDISHO (HN) — Gaari nuuca DMV (Dual mode vehicle) oo ku socon kara laamiyada iyo dhabbe-bireedyada ay tareennadu ku socdaan ayaa lagu sameeyey dalka Japan. Si isku mid ayuu marba ugu socon karaan labada jid. Waxaana sida tareenka iyo basaska loogu qabsan karaa howlaha loogu tala-galay.
Si gaar waxaa loogu tala-galay in dadka miyiga fog ku nool ee da’da cuslaatay kamid ah inaysan ka xirmin nolosha magaalooyinka. Waxaana la filayaa inuu kamid noqdo hababka daabulidda dadweynaha iyo badeecadaha gudaha Japan.
Marka uu gaariga ka degayo ama u weecanayo dhanka dhabbe-bireedka si uu tareen ahaan ugu socdo, giraangirooyinka ayaa kasoo baxaya afka hore iyo dambeedka gaariga. Waxaana uu si muuqata kor ugu wada qaadaya gaariga kahor inta uusan dhaqaaqin. Waxaa xusid in taayarada aysan qarsoomeyn balse ay kaliya kor u qaadmayaan madaama aysan wax shaqo ah qabaneyn muddada uu saaran yahay jidka tareenka.
Wuxuu qaadi karaa 21 rakaab, wuxuuna jari karaa xawaare dhan 60km saacadii marka uu tareenka yahay.
Laamiga caadiga ah marka uu marayana, waa sida bas kale oo wuxuu jari karaa xawaare dhan 100km saacaddii.
Magaalada Kiayo ayuu markii ugu horreysay ka howlgeli doonaa, haddii uu noqdo mid la mahdiyana, waxaa si rasmi ah looga adeegsan doonaa dalka oo dhan.



You must log in to post a comment.