MUQDISHO (HN) — Feeryahanadda reer Holland, Ruby Jesiah Mesu ayaa barteeda ku sheegtay inay qaadatay diinta Islaamka, kaddib 4 sanno oo ay kusoo dhaqmeysay.
Haweeneydan ayaa shahaadada loogu qabtay gudaha Masjid ku yaalla Holland. Waxay awal heysatay diinta Masiixiga.
Sawirada iyada oo xiran xijaabka ayaa ku baahay baraha bulshada halkaas oo farriimo u badan bogaadin iyo duco ay ka heshay walaalaheeda kale ee Muslimiinta ah.
Ruby ayaa sidoo kale loo yaqaan “The Lady Tyson”.
You must log in to post a comment.