crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Toddobo hab-dhaqan oo dhaawac ku noqon kara mustaqbalka qofka. | HimiloNetwork

Toddobo hab-dhaqan oo dhaawac ku noqon kara mustaqbalka qofka.

MUQDISHO (HN) — Haddii aad dooneyso in aad dareento farxad, waxaa jira toddobo hab-dhaqan oo aan wanaagsaneyn oo laga yaabo inay qaataan tamartaada ugu badan adiga oo aan wacaal u heyn.

Sida lagu xusay warbixin ka soo baxday Forbes, keliya farxad kama helaysid marka aad joojiso dhaqamadan balse waxaad helaysaa kalsooni badan adiga oo si toggan uga falcelinaya deegaankaaga.

1) Cabashada badan

Waxaa laga yaabaa in aad raaxo ku dareemayso marka aad sheegto cabashadaada hase ahaatee taasi ma aha xalka. Waxa uu xalka ku jiraa in aad eegto dhibaatada, halka ay ka timid iyo sida looga gudbi karo.

2) Isku dirka dadka

Dadka qaar ayaa leh hab-dhaqankan oo ay la tagaan goobaha shaqada. Waa khatar laga dhaxli karo natiijooyin aan wanaagsaneyn. Waxay saameyn kartaa mustaqbalka qofka.

3) Qoomamada

Waxaa lagu tirin karaa qoomamada xaalad maskaxeed oo aan wanaagsaneyn iyadoo la xiriirta khaladaadkii hore ee qofka uu galay. Qoomamada ayaa qofka ka mashquulin karta waxa maanta taagan ee u furan in uu sameeyo.

4) Hab-fekerka tabban

Sida lagu xusay warbixinta Forbes, hab-fekerka tabban ma habboona xaalad kasta inkastoo dadka qaar aaminsan yihiin in mararka qaar loo baahan yahay laakiin tani macnaheeda ma aha in uu noqdo joogto.

5) Naftaada oo aad la bar-bardhigto qof kale

Haddii aad leedahay hab-dhaqankan, waxaa qasaba in aad joojiso waliba wakhtiga ugu dhaw. Dunida maanta, qof kasta ayaa la nool caqabadihiisa gaarka ah. Waxaa mashquul kugu filan in aad yoolalkaaga ceyrsato.

6) Qancinta dadka

Tacaamulka wanaagsan iyo qancinta saaxiibbadaada waa muhiim laakiin tani kama dhigna in aad raali geliso qof kasta. Qancinta dadka waa yool aan la gaari karin.

7) Eedeynta

In aad eedeyso naftaada ama dadka kale labaduba ma habboona. Ka fogow dhaqankan si gaar ah marka aad joogto goobtaada shaqada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!