crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Falastiin – Go’doontii Guusha hanatay! | HimiloNetwork

Falastiin – Go’doontii Guusha hanatay!

MUQDISHO (HN) — Ramadaankii dhammaaday wuxuu maalmo adag u ahaa Muslimiinta Falastiin oo iyaga oo ku dhex cibaadanaysaaya gudaha Masjidka al-Aqsa tobanka dambe ee bisha lagu bilaabay dagaal iyo rabshado ka dhan ah oo lagu carqaladeynayo gudashada iyo badinta salaadaha inta lagu jiro bisha Sooqaad.

Biyo kulul, gaaska sunta ah ee dadka ka ilmeysiiya iyo xoogag ku hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ishortaag muuqda kala horyimid Muslimiintii usoo salaad iyo ictikaaf doontay gudaha Masjidka al-Aqsa.

Bariga jeruslam ama Qudus oo uu dhaco Masjidka al-Aqsa waxay ahayd qibladii hore  ee Muslimiinta iyo masjidka saddexaad ee ugu barakada badan Islaamka kaddib Makka iyo Madiina.

Waqtigaa aad u kala weydaaran. Waxa maanta socdana waa qalalaasihii ugu xumaa taariikhda dhow marka laga yimaado midkii sidaan oo kale lagula kacay Muslimiinta Falastiin halkaas oo 550 oo carruur Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen sanadkii 2014-ka.

Dagaallada ay Israeliyiintu kusoo qaadaan Falastiiniyiinta oo ay ku wax-yeeloobaan dhismayaal iyo hanti fara badan kuna dhintaan boqollaal Muslimiin aan waxba galabsan ma ahan sheeko cusub. Diiwaanka taariikhduna waxaa ku qoran in marwalba oo weerar ceynkan oo kale ay Yuhuuddu kusoo ekeeyaan Falastiiniyiinta inay iyaguna doortaan inay xabadda joojiyaan kuna dhawaaqaan dib u gurasho.

Weerarkii sannadkan ay soo qaadeen oo ay ku naf waayeen tiro gaaraysa 70 carruur Falastiiniyiin ah muddo ka yar 10 maalmood wuxuu qeyb ka noqonayaa gaboodfallada iyo ficillada gurracan oo ay Yuhuuddu kolkii ay doonaanba kula kacaan mintidiinta dhul iyo cirba laga owday ee Falastiin.

Laakiin bilowga weerar walba oo ay kusoo qaadaan wuxuu docda kale ka sitaa sabab sheeko oo ka dambeysa, taas oo aan aalaaba warbaahinta Galbeedka laga ogoleyn in laga baahiyo. Waana barakicinta iyo sal kicinta tirada ku hartay Gaza iyo hareeraheeda si dhulka ay ka kacaan degaamaysi loogu sameeyo Yuhuud kasoo naqraacday dunida inteeda kale oo aaminsan in dhulkani yahay midkii lagula ballamay si ay ugu noolaadaan.

Waa xaafadda Sheikh Jaraax halka ay sannadkani ka bilowdeen dagaalka Yuhuudda iyo iska caabinta xooggan ee lagala hor yimid. In kasta oo Isrel ay adduun iyo juhdi adag ku bixisay si qorshahaasu u meelmaro haddana sidii ay filaysay maanay ku dambeynin xaaladdu. Taas rogaalkeeda waxaa kasoo gaaray dib-u-dhac dhaqaale iyo xayiraad dhanka isku socodka ah oo hakad weyn ku yimid. Duullimaadyadii aadi jiray dhankeeda ayaa gebi ahaanba meesha ka baxay cabsi laga qabo inay bartilmaameedsadaan Mujaahidinta Xamaas sal-dhigyada iyo gegiyada ay ku degayaan madaama gantaalooyinka ay ku rideen abuureen walaac iyo baqdin xooggan.

Geesta kale, waxaa gebi ahaanba meesha ka baxday qorshihii degaamaysi ee laga lahaa xaafadda Sheikh Jaraax madaama dadkii ka qaxay oo awalba sheedda ka eeganayay ay durba kusoo gurya-noqdeen.

Dunida oo dhan isku si uma wada canbaareyn wixii ka dhacay Gaza. Mana jirto cid wax iska weydiinaysa mas’uuliyadda wixii ay faleen Yuhuudda, waxaana cagsigeeda muuqanaysa in Galbeedku ku garab istaagayo masaalix walba oo Israeliyiintu u arkayaan inay lama huraan tahay si ay u gaaraan qorshahooda fog.

Laakiin tii Ilaahay waa meesheeda. Balse waxaan muuqaan tii looga fadhiyay caalamka Islaamka inay uga falceliyaan. 50-ka dowladood ee Muslimiinta waa ay ku dhici la’ yihiin inay dhawaaq midaysan iyo hiil muuqda la garab istaagaan Falastiin. Wax aan ka ahayn canbaareyn iyo is muujin afka ah lagama hayo sida Rajab Dayib Erdogan oo wacad ku maray inaysan indhaha ka laaban doonin gumaadka iyo barakicinta lagu hayo Muslimiinta Falastiin.

Waxaa xusid mudan in xabad-joojinta lama filaanka ah oo ay ku dhawaaqeen Yuhuudda ay tooshka ku ifisay heerka ay gaarsiisan tahay awoodda dahsoon iyo cabsida isasoo taraysa ee laga qabo Mujaahidiinta Xamaas iyo taageerayaashooda. Falanqeeyaasha ayaa rumeysan in waqtigu uu aad isku beddelayo marka la fiiriyo awoodda muuqanaysa oo ay lasoo baxayaan Xamaas taas ooh adda kaddib go’aamin doonta inaan si fudud oo daandansi iyo gardaro ah loogu soo degdegin degaanka Gaza oo aan sidoo kale fara-gelin lagu sameynin salaadaha lagu oogo Masjidka al-Aqsa.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!