crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ciriiriga Caasimadda Xal haloo helo! | HimiloNetwork

Ciriiriga Caasimadda Xal haloo helo!

MUQDISHO (HN) — Habeen kale iyo ciriiriga waddada Jaalle Siyaad iyo Aargada Dayniile u dhaxeeya.

Muddo bil ah xilliyada habeenkii waxaa ku yaraa ciriiriga iyo saxmadda xad-dhaafka ah ee gaadiidka. Laakiin bil kaddib halkan waxay kusoo laabanaysaa wejigii lagu yiqiin. La-yaabna malahan in waqtigii kaga bixi jiray shacabka inuu haddana uga baxayo.

Xalay oo kale waxay ahayd habeen ciriirigu gaaray heerkii lagu yiqiin. Sheekooyin u muuqda inay dhawaanahan kasii dhammaanayeen dhegaha maqalka marwalba oo laga hadlayo maritaanka laamiyada caasimadda ayaa hadda sidoo kale soo laba-kacleeyey.

Qaar badan oo dadweynaha adeegsada waddada kamid ah, kani ma ahan muuqaal aysan filaneyn. Waa waxay ogaayeen inaysan huri doonin. Sidaas darteed, hubaal la’aan ayaa usoo aadaan.

Xattaa gudaha bisha Ramadaan, ciriirigu ma ahayn mid is beddelay; kaliya waqtiga gaadiidku madaxyada isla galo ayaa is-beddel ku yimid oo halkii ay badanaa ahayd habeenkii wuxuu intiisa badan noqday galbihii xilliyada ay dadku usoo degdegayaan guryahooda si ay ugu soo afuraan.

Muqdisho ma ahan oo kaliya caasimad dhabarka u ridanaysa qaabilaadda maciishadda dadyowga kala heerarka jooga dabaqadaha nolosha; waxay sidoo kale la ciirciiraysaa xaddiga gaadiidka tira-dhaafay ee dhinacyada waddooyinkeeda iskaga yimaada kuwaas oo kol haddii aysan jirin kala maareynta taraafikada iskood u doorta inay hadba sida la fudud isku maareeyaan.

Mushkiladaha ka dhalanayana waa dhowr. Laamiga dheer ee Jaalle Siyaadna kuma jiro. Barnaamijka Musaafur wuxuu marar badan ka qoray sheekooyinka ku saabsan dhibta ay shacabku ku qabaan marideeda, balse ilaa iyo hadda majiro maamul usoo jeestay inuu xalkeeda la yimaado.

Xattaa xerooyinka militari ee dhinacyada kaga yaalla xil weyn iskama saaraan inay hubiyaan isku socod sahlan in waddadan lagu maro. Waa sida in lagula balamay inay sheedda un ka eegaan waxa ciriirigu bidayo shacabka weynaha is hor tuban.

Maamulka degmooyinka Hodan iyo Dayniile waxaa ugu yaraan la gudboon inay isku taagaan maareynta mushkiladdan oo qadyaan qadyaan dhaafay ay ka joogaan bulshada iyo gaadiidka adeegsada. Waa haddii ay wali jirto u turid shacab iyo ka jawaabid mas’uuliyadeed.

Haddiise sidii hore ay xaaladdu iska noqoto, waqtiyada adduunweynaha kale bulshooyinkooda uga baxa socdaalka iyo safarka mid kasii boqol jibbaaran ayaa uga bixi doona dadweynaha caasimada Somaaliya ku nool.

Taasina waxaa ka dhalan doona cuuryaamid dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo badbaadinta iyo daryeelka shacabweynaha ballaaran oo qaarkood laga yaabo in daqiiqado yar oo wax weyn loogu qaban karay ay ku waayi doonaan ciriiriga dhexdiisa.

Fadlan baahi oo la wadaag asxaabtaada si mamulka gobalka uu arrinta usoo fara-geliyo.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Zakariya@himilonetwork.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!