MUQDISHO (HN) – Is-mari waa ayaa ka taagan Shimla kaddib markii Xisbiga Hindu Raksha Manch uu sheegay in saddex masaajid oo ku yaalla magaalada ay ka dhisan yihiin dhul dan guud ah – isaga oo ka digay in dowladdu si degdeg ah wax uga qabato haddii kale ay qabanayaan dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo masaajidaas.
Hoggaanka xisbiga, Kamal Gautam wuxuu sheegay inay dowladda ka dalbadeen faahfaahin – iyaga oo xusay in labada Masaajid ee kala ah Rahman iyo Bilal ay kamid yihiin kuwa ku yaalla goobo loo asteeyey dhul dan guud ah. Haddii kale ayuu sheegay inay ku dhawaaqayaan dibadbaxyo looga soo horjeedo masaajiddaas.
Muslimiinta Shimla ayaa hadalka kasoo yeeray xibsiga Hindu Raksha ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn – dhankoodana loo diiday inay soo saaraan war-murtiyeedka ay iskaga difaacaan eedeynta loo soo jeediyay.
Waxay is weydiiyeen sababta kaliya masaajidda loogu beegsado sharciga ilaalinta dhulka danta guud oo aan goobaha kale farta loogu fiiqin. Waxaana ay farta ku godeen in tallaabooyinkan lagu bartilmaansanayo masaajidda ay abuuri karto xasiloonni darro iyo iska hor imaad bulsho oo dhex mara diimaha wada nool.

HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.