Denmarka oo laga mamnuucayo xirashada Niqaabka.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
February 8, 2018
775 Views
Denmark (Himilonetwork) – Xukuumadda Denmark ayaa ku dhawaaqday maalintii Arbacada inay mamnuuci doonto niqaabka – dadaal, sida ay sheegeen, ay ku doonayaan inay kaga hortagaan is dhex-gal la’aanta iyo kala xiranka bulshada ee goobaha dadweynaha, sida uu The Independent u sheegay wasiirka cadaaladda Denmark, Soren Pape Poulsen.
Kuwa ku xad-gudba sharciga waxaa lagu ridi doonaa ganaax dhan 1,000 kroner (£120) ama adduun dhan 10,000 kroner (£1,200) haddii lagu helo inay ku xad-gudban sharciga marar badan.
“Mamnuucista waxaa looga golleeyahay inay dadweynaha Denmark ay is dhex-gal ballaaran uu ka dhasho oo labada qof ee wada hadlaya ay weji-ka-weji isku arki karaan,” ayuu sii raaciyay wasiirka.
Tallaabada waxaa taageeray Xisbiga Danish People’s Party.
Taniyo sanadkii 2017, saddexda xisbi ee ku midaysan Xukuumadda ayaa wadajir u taageeray mamnuucista.
Denmark wuxuu noqonayaa dalkii lixaad ee mamnuucay Niqaabka kadib Jarmalka, Faransiiska, Biljamka, Holland, iyo Bulgaria.
Dalka Norwey ayaa sanadkii hore keenay hindise Niqaabka looga mamnuucayo in meelaha dadweynaha isugu yimaadan lagu xirto.
Related
2018-02-08
You must log in to post a comment.