crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bandhigga BUUGTA Banaadir oo maanta la daahfuray! | HimiloNetwork

Bandhigga BUUGTA Banaadir oo maanta la daahfuray!

MUQDISHO (HN) — Bandhigga Buugta Banaadir oo ah dabshid u gaar ah qalileyda ku nool magaalada-madaxda Somaaliya ayaa maanta lagu daahfuray caasimadda Muqdisho.

18 qorayaal da’yar ah oo dhigay dhiganayaal cusub ayaa qeyb ka ah bandhigga. Waana mid kamid ah ujeedo-badanta loo helay bandhigga BB, marka loo eego Najma Maxamud Qaranbila, agaasimaheeda.

“Hadiyo jeer wuxuu dadaalkayagu ahaa soo saaridda jiilal qorayaal ah oo wax-beddela dhaqanka makasnimada iyo wax aqris la’aanta ee ka dhex jira bulshada,” ayay tiri.

Laakiin gaar kuma ahayn qorayaasha oo qura sannadkan. Waxaa barbar socda soo bandhigidda wax-soo-saarka hal-abuurrada da’yarta caasimadda.

“Sannadkan waxaan sidoo kale albaabada u furnay hal-abuurayaasha ku guuleystay inay gudaha dalka ku sameeyaan wax-soo-saar muuqda oo nolosha dhaqandhaqaale ee dalka wax weyn ugu fadhiya,” ayay tiri. “Waxaan u aragnay muhiim marka in markooda laga dhageysto lana arko dadaalka ay horumarka waddanka ku bixinayaan.”

7 sannadood ee lasoo dhaafay waxaa caasimadda Muqdisho lagu qabanayay bandhigyada buugaagta oo soo jiita indhaha kuwa jecel aqriska. Balse in kale ka qeybgalkoodu waa ka weyn yahay jaceylka aqriska.

“Aniga waa markaygii labaad,” ayuu yiri Cabdqano oo ka socda Jaamacadda Imamu-Shaafici. “Sababtuna waxay tahay waxaan doonayaa inaan noqdo qoraa – marka waxaan rabaa inaan wax badan ka fahmo kana helo waaya’aragnimo.”

Qaar kale waxay amintan oo kale u arkaan mid ay ku bartaan dad cusub iyo afkaaro hor leh.

“Waa markaygii koowaad,” ayuu yiri Jamaal. “Balse weligayba wan jeclaa inaan kasoo qeybgalo. Waayo waxaan rabaa inaan halkan ka kabsado fursado iyo fikrado wax igu biirin kara.”

Bandhigga Buugaagta waxay aalaaba fursad mar la’arag ah u tahay bahda jecel aqriska kuwaas oo intaba badan aan helin nuuca dhiganayaasha ay jecel yihiin balse ku suga bandhigyada si ay uga iibsadaan.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!