Arday Caleemaha Geedaha oo kaliya ka sameeyey Dhar lagu labisto.
Posted by: Zakariya
in Wararka
October 28, 2017
465 Views
Beijing (Himilonetwork) – Afar arday oo dhigata Jaamacadda Hefei ee bariga Shiinaha ayaa dhawaan caddeeyey in caleemaha geedaha ay ku filan yihiin dhar ahaan in loo xiran karo.
Sawirada afarta arday oo ku labisan caleemaha ayaa ku baahay baraha bulshada ee dalka Shiinaha, waxaana laga bixinayay aragtiyo isku qasan oo la xiriira sida 6,000 oo caleemood looga sameyn karo hu’ dhar ahaan loo xirto.
Kooxda fikradda ka danbeysa – laba wiil iyo laba gabdhood – waxay aragtidan kusoo dhacday lix bilood kahor markii ay doonayeen inay la yimaadaan barnaamij xiiso oo ay kaga qeyb-galaan tartanka sanadlaha ah ee Animal and Plant Specimen Contest oo Jaamacaddu ay qabato.
Si kastaba, la-tashi iyo caawimaad muuqata oo ay ka heleen barayaashooda, waxay ku guuleysteen sameynta dharkan laga sameeyey caleemaha geedka Magnolia.
Xigasho – radiohimilo.so
Related
2017-10-28
You must log in to post a comment.