crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 8 Jirka la nool Eeyaha ee Ilaaway inuu sida Dadka u hadlo! | HimiloNetwork

8 Jirka la nool Eeyaha ee Ilaaway inuu sida Dadka u hadlo!

MUQDISHO (HN) – Canug 8 jir ah oo ku nool dalka Taylan – kaas oo wadajir ay u deyriyeen hooyadiisa cabtooyda ah iyo walaalkiisa ka weyn – ayaa la qaadashada waqtigiisa ugu badan eeyaha waxay keentay inuu sidooda kale u qeyliyo – micnaha luqadda eeyaha ay isku afgartaan inuu ku hadlo uuna ilaabo inuu sida aadanaha u hadlo.

Xiriirka maalinlaha ah iyo dhinac-jooggiisa eeyaha ayaa keentay inuu sida iyaga oo kale u wahwah-leeyo. Mana yaqaan sida dadka caadiga ah inuu u hadlo. Wiilkan oo qalbi ahaan u dhaawcmay kolkii ay deyriyeen labadii dad u xigay ayaa miciin iyo nolol ka doorbiday la-joogitaanka iyo weheshiga eeyaha. Agtooda ayuu ka helay jaceyl iyo daneyn badan. Wuxuuna ku qasbanaaday inuu barto sida loola hadlo. Micnaha halkii sida dadka caadiga ah u hadli lahaa, wuxuu u qeylinayaa sida eeyaha. Hana u qaadanin inay qeylo ka tahay. Waa afka eeyaha uu la deris noqday ay ku hadlaan.

Hooyada wiilkan iyo inankeeda curadka ah oo labaduba aad u qabtimay cabidda qamriga ayaa qirtay inay iska deyriyeen maadama aysan tabar iyo tigaadba u heynin korintiisa. Waxay si cad ugu sheegeen booliska inay cabidda qamriga ka jecel yihiin noloshiisa oo wax micno ah uusan ugu fadhin.

Hadda waxaa loo qaaday xarun dhaqancelin ah oo lagu daryeelayo isla markaana lagu bari doono inuu sida dadka oo kale u hadlo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!