crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> March | 2018 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: March 2018

La kulan – Gabadhii ku heestay 102 Luqadood oo kala duwan.

Dubai (Himilonetwork) – Suchetha Satish, oo ah gabar Hindi ah oo ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaan dhawaan Buugga Guinness World Records ku gashay noqoshada gabadhii ugu horreysay oo ku heesta in ka badan 102 luqadood muddo ku dhow 6 saacadood iyo 15 daqiiqo. Suchetha ayaa go’aanka qaadatay sannad kahor; waxayna gashay falkii ay ku xaqiijin lahayd. Waxay kol hore ku ...

Read More »

Marooko oo laga mamnuucayo adeegsiga Bacda ‘balastikada’.

Rabat (Himilonetwork) – Dalka Marooko waxaa laga mamnuucay bacda – balastikada – oo ah dalka labaad ee ugu isticmaalka badan bacda kaddib dalka Maraykanka, hayeeshe saraakiishu waxay sheegayaan inay qaadan doonto muddo badan sida loola qabsado sharciga.  Hindisahan hadda dhaqan-galay waxaa barlamaanka la mariyay sannadkii 2015-ka. Taniyo markaasna, milkiilayaasha goobaha ganacsiga ayaa isku dayayay inay raadsadaan beddel kale oo ay ...

Read More »

Muxajabad doonaysa inay fuusho Buurta ugu dheer Adduunka ee Mt Everest.

Qaahira (Himilonetwork) – Gabadh ku nool dalka Masar ayaa dooneysa noqoshada gabadhadii ugu horreysay oo Carab-Muslimad ah oo gaarta Buurta Mt. Everest oo ah tan ugu dheer adduunka si ay u rumeyso riyada nolosheeda. “Dareenka igu beeran waa inaan fiktada sare ee Buurta Mt Everest koro kaddibna iraahdo ‘Allow waan kugu shukriyay'” ayay tiri Manal Rostom iyada oo bixinaysa waraysi lala ...

Read More »

Tareenkii ugu horreeyey oo ka howl-galaya Makka iyo Madiina.

Makka (Himilonetwork) – Tareenka xawaaraha leh  oo loogu yeerayo Haramain ayaa la filayaa inuu sannadkan howlgalo, sida uu sheegay Nabil Al-Amoudi, oo ah wasiirka socdaalka Sucuudiga. “Howshiisu waxay soo socotay taniyo sannadkii hore, waxaana ku baxay adduun dhan $16 billion,” ayuu yiri. Mashruucani waa qeyb kamid ah hadafka uu Sucuudigu ku doonayo inuu ku horumariyo howlaha cibaadeed ee labada Magaalo – Makka iyo Madiina – ...

Read More »

La kulan: Ninka – Kahor intuusan Quraacan – Subax kasta Quraac siiya Masaakiinta.

Hyderabad (Himilonetwork) – Mohd Sujathullah, oo arday Hindian barta farmakoolojiga ah wuxuu maalin kasta cunno u qeybiyaa danyarta isugu timaada Isbitaallada magaalada Hyderabad, dalka Hindiya. Sanadkii lasoo dhaafay, wuxuu si maalinle ah quraac ugu qoondeeyey dad gaaraya 1,000 qofood oo danyar masaakiin ah – kahor inta uusan u fariisan inuu quraacdiisa gaar u cuno. Wuxuu kaagacaa aroor hore kana tagaa ...

Read More »

Rwanda oo laga mamnuucayo Aadaanka Salaadaha.

Kigali (Himilonetwork) – Dowladda Rwanda ayaa dalkeeda ka mamnuucday in aadaanka salaadaha loo adeegsado codbaahiyaal dheerdheer gudaha caasimadda Kigali. Marka loo eego dowladda, tallaabadani waxay qeyb ka tahay dadaal ay Rwanda ku dooneyso inay kaga hortagto buuqa ku furan hawada ‘noise pollution’. Waana qeyb kamid ah hiigsiga 2040-ka oo dowladdu ku dooneyso in magaaladu ku noqoto xarunta ganacsiga iyo dalxiiska ...

Read More »

Merkel – “Islaamku waa qeyb kamid ah Jarmalka.”

Berlin (Himilonetwork) – Ka fal-celinta hadal kasoo yeeray wasiirka cusub ee Jarmalka,  Chancellor Angela Merkel waxay Islaamku ku tilmaantay qeyb kamid ah dhaqanka Jarmalka. “Muslimiinta iyo diintooda waa qeyb kamid ah nolosha dadka Jarmalka,” Merkel ayaa u sheegtay saxaafadda iyada oo ka war-celinaysa hadalkii kasoo yeeray wasiir Horst Seehofer kaas oo Jimcihii sheegay inuusan aaminsaneyn in Islaamku qeyb ka yahay dalka Jarmalka. “Islaamku ...

Read More »

Ceelkii Cusmaan ibnu Cafaan oo wali Biyo laga cabo!

Saudi (Himilonetwork) – Magaalada Madina al-Munawarah oo caan ku ah dhowr ceelal oo ka qodan kuwaas oo xiriir la leh socdaalladii uu Suubanaha ku mari jiray waxaa kamid ah Ceelka Uthman ibn Affan oo loo yaqaan Rummat – kaas oo 1400 oo sannadood kadib sidiisii looga cabo. Hareeraha Ceelka waxaa ku yaalla masjid, waxaana ku beeran geed timireed badan iyo kuwa kale ...

Read More »

Sababaha Xaaladaha Furriinka Dalkeenna

Muqdisho (Himilonetwork) – Furriinka waa kala taga lamaanayaasha isqaba iyada oo loo marayo si sharci ah oo rasmi ah.Waa marka labada qof ama mid kamid ah uu dalbado furriin sabab la cuskan karo. Suubanaheenna NNKH waxa uu yiri xalaasha Alle aktiisa loogu caro badan yahay waa furriinka. Waxaa xusid mudan in furriinka uu maanta qatar ku hayo qoysaska, oo ah ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!