200 oo Xaafidul-Qur’an ah oo ka baxay Jaamacadda Bayero.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
August 4, 2018
573 Views
Lagos (Himilonetwork) – Ku dhawaad 200 oo xaafidul-Qur’an ah ayaa ka qalin-jebiyay Jaamacadda Bayero University Kano maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay.
“Heysashada shahaadooyinka qalin-jebintooda, hadda waxay xittaa Qur’anka ka dhigi karaan Sucuudiga, dunida Carabta iyo caalamka oo dhan,” ayuu yiri Dr. Muhammad Babangida, oo ah agaasimaha xarunta barashada diinta ee Jaamacadda.
Babangida ayaa intaas kusii daray in ardaydani ay Qur’anku kula dhinac barteen maadooyinka kumbuyuutarka, xisaabaadka iyo luqadda Ingiriiska.
Wuxuu ugu yeeray xubnaha ku jira dowladda iyo sharikaadka gaarka loo leeyahay inay fiiro gaar ah u yeeshaan shaqo-gelinta ardaydan si ay u baahiyaan farriinta Qur’anka dadka si fiican uusan u wada gaarin – u eegis la’aan Muslim iyo kan aan Muslimka ahayn ee ku wada nool dalka Nigeria.
Related
2018-08-04
You must log in to post a comment.