14 June – Maalinta Caalamiga ee Dhiig-ku-deeqista.
Posted by: Zakariya
in Wararka
June 14, 2017
344 Views
Muqdisho (Himilonews) – Taariikhdu waa in kor loogu dhigaa wacyiga la xiriira muhiimadda dhiig ku deeqista iyo in dadka lagu dhiirri-geliyo inay bixiyaan, isla markaana looga mahad-celiyo kuwa dhiiga bixiya sida ay u badbaadiyaan nolosha Aadanaha shardi la’aan.
Waxaa la qiyaasaa in haddii 1% dadyowga dal walba oo dunida kamid ah ay bixiyaan dhiig, taasi ay ku filnaan lahayd daboolista baahida ay dhiig ku shubista u qabaan.
Sanadkan Maalinta Caalamiga ee Dhiig Bixinta oo sanad kasta la xuso 14 bisha June, waxaa halhays ahaan loo qaatay: Dhiig Bixi; Hadda Bixi; Aalaaba Bixi. hal-ku-dhegga la isku baraarujinayo sanadkan ayaa sidoo kale ah – Gargaarka Degdegga.
Sooyaal ahaan, maalintan waa markii uu dhashay Karl Landsteiner oo ahaa ninkii kala dhig-dhigay qeybaha dhiiggu u kala baxo.
Waa maalin diiradda lagu saaro dhiig ku deeqista habboon xaaladaha kadiska ah. Ol’olaha waxaa hormuud ka noqota Hey’adda Caafimaad Adduunka WHO.
Waxaa jira tiro lagu qiyaasay 112.5 malyuun oo dhiig ku deeqda oo dunida dacalladeeda ku kala nool. Kala bar kamid ah ayaana ku nool dalalka dakhligoodu sarreeyo, marka loo eego WHO.
57 dal ayaa 100% dhiiga loogu deeqo ka hela samafalayaasha aan lacag ku badalan, WHO ayaa intaas kusii dartay.
Waqtiga muddada dhiig la shubayo waa ku dhawaad 10 daqiiqo in kasta oo isku dubba-ridku qaadan karo hal saac.
Shuruudaha qofka u fududeyn kara inuu dhiig bixiye noqdo dunida dacalladeeda aad uma kala dheera. Waxaana kamid ah;
-
Waa in qofku caafimaadkiisu negi yahay.
-
Culeyskiisu ka badan yahay culaab dhan 50kg.
-
Cadaadiska dhiigu waa inuu degan yahay.
-
Heerka dhiigga haemoglobin waa inuusan ka hoos marin 12.5 g/dL.
-
Da’diisu waa inay u dhaxayso 17 jir iyo 66 jir – ama 70 jir kuwa horay dhiig ugu deeqay.
Labka wuxuu dhiig ku bixin karaa saddexdii biloodba mar – 12 isbuuc, halka dhedigtuna ay ku bixin karto afartii biloodba mar – 16 isbuuc.
Kuwa quuddaraynaya inay si gurmasho ah ugu deeqaan dhiig, waxay u baahan yihiin ka jawaabista su’aalo ay kamid yihiin;
-
Haddii ay dawo isticmaalayaan ama ay qaadanayaan baxnaano.
-
Xaamilo tahay.
-
Xanuunsan yihiin.
-
Qabaan cudurka Kansarka.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakaria Xasan Maxamed.
Related
2017-06-14
You must log in to post a comment.