MUQDISHO (HN) — Waxay wadaagaan hoy qura iyo daryeel mida. Mana ahan kuwa wada dhashay. Balse hal nin sababtiisa ayay halkan u joogaan. Magaciisu waa Robert. Wuxuuna xubin barlamaan ka ahaa Kenya sannadkii 2017 wixii ka horreeyey.
Isaga iyo ilmaha uu gabaad u fidiyay waxay wadaagaan waaya’aragnimo qura. Gebigood waa naafo iyo naafo-la-mood.
Dad badan waxay barlamaanka u galaan inay sharci-dejiyayaal noqdaan, laakiin Robert wuxuu shaqadiisa qaranka uga haray inuu daryeel iyo xanaano u fidiyo ilmaha yaryar ee la xanuunsan jirrada Austism-ka iyo kuwa la halmaala.
36 carruur ee maanta joogta xaruntiisa, mid walba wuxuu qabaa baahidiisa gaarka ah oo aanu garab la’aan qabsan Karin. Afartii sano ee lasoo dhaafay ayay ilmahani guri ugu yeeraan xarunta uu aas-aasay taas oo u fidisa adeegyo lama huraan u ah bedqabka iyo la-qabsiga nolosha.
Caqabadaha uu shalay marki uu bilaabayay la kulmay oo ilaa maanta heysta ayuu ku dul shaqeynayaa. Carruurtanina, iyaga ahaan, Robert la’aantiis noloshu uma yeelateen dhadhan jiritaan. Waana qofka ugu muhiimsan noloshooda.
Sidaas darteed, subax walba wuxuu kasoo toosaa dhinacooda. Kaalmada iyo gurmadka maalinlaha ay ugu baahan yihiinna ma ahan mid sahlan – nafaqada, agabka lagu dhisi karo koriinshaha iyo adeegyada kale ayay halhaleel ugu ooman yihiin. Waana sababta ay da’yartan oo bartay cilmiga fiisiteerabiga ula dhinac shaqeeyaan sia y ugu biiriyaan doorkooda.
In badan oo carruurtan kamid ah waxaa qorshuhu yahay in inta jirkooda la maareyn karo loo sahlo inay fursad u helaan socoshada iyo istaagga.
Hey’ad uu sannadkii 1998 aas-aasay ayaana u ah isha kaliya ee dhaqaale ahaan uu ku tiirsan yahay daryeelkooda bixisa.
Saddexdii carruur ee lagu aas-aasay xaruntiisa waxaa kusoo kordhay 50-meeyo kale. Dusha sare marka aad ka eegtana, kama arki kartid wejiyadooda wax aan ka ahayn soo kabasho iyo yididiilo.
Mustaqbalka ka horreeyase uma cadda. Balse ugu yaraan, naruurada ay maanta ku heystaan la joooggiisa ayaa u ah nolosha qura oo ay ku raaxaysanayaan.
Sheekada Robert waxay ina xusuusinaysa qisada Mama Ugaaso oo ah hooyo Somaaliyeed taas oo gabaad iyo goob ay ku wax ku bartaan carruurta darbi-jiifta ah ka hirgeliyay caasimadda Somaaliya ee Muqdisho.
You must log in to post a comment.