MUQDISHO (HN) – Maxkamadda sare ee Kerala ayaa soo saartay sharci dhigaya in ninka Muslimka ah uusan xaas labaad guursan karin ilaa uu ogeysiiyo xaaskiisa koowaad. Qaraarku wuxuu dhigayaa in – in kasta oo qofka Muslimka ah diintiisu farayso inuu xaasas badan guursan karo – haddana uusan ka tallaabin sharciyada iyo mabaadi’da dastururiga ah ee u degsan gobalka Kerala.
Garyaqaan Kunhikrishnan wuxuu yiri; “Ma ahan xurriyadda diimeed in lagu waxyeelo xuquuqaadka dastuuriga ah ee halkan looga dhaqmo. Ragguna kama sarreeyo dumarka. Waa ay siman yihiin. Sinnaanta qofnimaduna ma ahan in laga eego dhinaca diinta.”
Wuxuu intaas kusii daray: “Diiwaangelinta guurka waa inuu noqdo hab sharciyadeed siinaya haweeneyda xaqqa ah inay ogaato in ninkeedu uu rabo xaas labaad inuu la guursado.”
Haddiise guurka xaaska labaad uu ka fashilmo iyada oo aysan ogaanin xaaska koowaad, waajib loogama dhigayo ninku inuu ogeysiiyo wixii uu horay usoo sameeyey!
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.