MUQDISHO (HN) — Kowda duhurnimo iyo diyaarinta cunnooyinka afurka. Sida caadada u ahna, Istar Ismaciil waxaa meel dhexe u maraya karinta cunnooyinka fudud ee saambuuska, burka iyo bejiyaha oo ay soo bilowday barqanimadii maanta.
Iyada ahaan, cunnooyinka la shiilo kaliya ugama dhigna afbilowga afurka qoyska.
“Maba joogi karno haddii aanan ku afurin sambuus iyo bur,” ayay tiri iyada oo dul-fadhisa burjikada.
Keligoodna ma ahan. Waxaa tabtaas oo kale cunnooyinka shiilan ugu afura qoysas badan kuwaas oo aan suuraysan Karin afur bilaa sambuus ah.
Waana howl diyaarinteedu ay ku kacayso waqti badan iyo isticmaalka adeeg badan oo qudaar ah.
“Beryahan oo qudaarta ay qaali noqotay xattaa waan sameynaa sambuuska,” ayay tiri. “Mana dhaafi karno oo waan u barannay.”
Hayeeshe, sidaas oo ay tahay, waa mid saameyn taban oo dhinaca caafimaadka ah ay ka muujinayaan bahda caafimaadka marka ay noqoto ku afurka cunnooyinka shiilan.
Marka loo eego, Dr. Maxamed Xasan Nuur oo qeybta dheefshiidka iyo cuna-mareenka ku gaaroobay, kiisaska xanuunnada gaaska waxay noqdaan kuwo soo kordha gudaha bisha Ramadaan.
“Astaamo badan oo lagu yaqaan gaaska ayaan ku aragnaa bukaannada noo yimaada, waxaana iska cad inay qeyb ahaan ku afuraan cunnooyinka saliidaysan,” ayuu yiri.
Balse Istar ayaa qabta in cunista cunnooyinka shiilan aysan aalaaba sabab u ahayn gaaska, hayeeshe, dhibtu tahay sida loo kariyo.
“Saliidda ayay ku badiyaan dadkaas,” ayay tiri iyada oo tilmaamaysa dhibta laga sheegay cunista sambuuska. “Laakiin si miirqab leh haddii loo miisaamo saliidda gaas malahan.”
Dhaqtar Maxamed tilmaamaya waxa habboon inuu qofka sooman ku afbilowdo caafimaad ahaan.
“Haddiiba la heli karo cunnooyinka qudaarta u badan waxay ila tahay in laga maarmi karo sambuuska, waana midda uga habboon xagga afurka – biyo iyo timir kaddib.”
Lama oga goortii ay Soomaalidu bilowday laqabsiga ku afurka cunnooyinka shiilan. Waxaase la wada ogsoon yahay in dhibaato caafimaad ay kala kulmeen in badan oo sida hubaasha ka caagan inay ku afuraan maanta.
You must log in to post a comment.