MUQDISHO (HN) – Gabar yar oo dugsi dhigata ayaa xanuun dhinaca maskaxda ah oo ay ka qaadday daawashada filim cabcabsi ah oo looga shiday – iyada oo ardaydeeda fasalkeeda – gudaha iskuulkooda ayaa hadda waalidkii dhalay waxay dacwad ka geynayaan maamulka iskuulka si ay magdhow iyo wixii la halmaala ugu helaan inantooda.
Lama shaacinin nuuca filimka cabsida leh oo ay ka qaaday baqa iyo cabsida ugu dambeyn ku keentay inay qaado xanuunka dhinaca maskaxda ah. Laakiin ardaydii kula jirtay fasalka ayaa sheegay in filimku ahaa mid argagax iyo naxdin-reeb ah. Markii si kastaba, waalidkeedu ay ka yaabeen sida ay uga didayso ama uga bardadayso waxyaabaha caadiga aragtidooda ama taabashadooda, waxay geeyeen isbitaalka halkaas oo laga sheegay inuu haleelay xanuunka dhinaca dhimirka ah.
Waalidiinta inantan ayaa hadda doonaya magdhow lacageed oo gaaraya 30,000 yuan ($42,000). Waxay sheegeen in filimkaas si toos ah uu waxyeelo xun ugu reebay maskaxda inantooda – isla markaana uu iskuulkeedu ku fashilmay inuu si habboon ardayda ugu gudbiyo aqoontii loo igmaday. Warbixinta caafimaadka ee gabadha laga diyaariyay ayaa sidoo kale lagu ogaaday in midkood kamid ah labadeeda waalid aanu abid ku dhicin ama haleelin xanuun dhinaca dhimirka la xiriira taas oo sii xoojisay eeddooda.
Nuuca xanuunka dhimirka ee haleelay inantan waxaa la yiraahdaa transient psychotic disorder waana mid laga bogsado inta badan haddii loo maro tabaha loogu tala-galay in lagula tacaalo sida in qofka la siiyo dareemo kala duwan oo gelin kara jawi ka duwan midkii ku habsaday maskaxdiisa.
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.