Tareenkii ugu horreeyey oo ka howl-galaya Makka iyo Madiina.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
March 20, 2018
543 Views
Makka (Himilonetwork) – Tareenka xawaaraha leh oo loogu yeerayo Haramain ayaa la filayaa inuu sannadkan howlgalo, sida uu sheegay Nabil Al-Amoudi, oo ah wasiirka socdaalka Sucuudiga.
“Howshiisu waxay soo socotay taniyo sannadkii hore, waxaana ku baxay adduun dhan $16 billion,” ayuu yiri.
Mashruucani waa qeyb kamid ah hadafka uu Sucuudigu ku doonayo inuu ku horumariyo howlaha cibaadeed ee labada Magaalo – Makka iyo Madiina – si xujeyda loogu fududeeyo gudashada acmaasha Xajka iyo fadaa’isha kale.
Tareenka waxaa ku socdaali doona dad lagu qiyaasay 60 milyan sannad walba. Waxaana ay gaarayaan 35 tareen oo midkiiba uu qaadi karo 417 rakaab. Wuxuuna socon karaa xawaare dhan 300 km saacaddiiba.
Xajka ayaa la filayaa inuu qaabili doono 15 milyan oo Xujey ah sannadka 2020-ka.
Labada Magaalo ee Makka iyo Madiina waxaa la iskugu socdaa lix saacadood.
Related
2018-03-20
You must log in to post a comment.