crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Deeggaanka Gaarisa oo laga mamnuucay dhirta la jaro ee dhuxusha laga sameeyo | HimiloNetwork

Deeggaanka Gaarisa oo laga mamnuucay dhirta la jaro ee dhuxusha laga sameeyo

Muqdisho (Himilonetwork) – Dowlad deegaanka Gaarisa ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku mamnuucday in dhirta la jaro oo dhuxul laga sameeyo.
Arrintan ayey dowladda deegaanku sheegtay inay uga gol-leedahay inay uga hortagto nabaad guur ku yimaada deeganka.
Deegaanka Gaarisa ayaa waxaa ku badan dhirta la jaro ee laga sameeyo ganacsiga dhuxusha, taas oo lagu eedeeyo inay ku dhaqaaqaan reer guuraa xoolahoodii ku waayay abaaraha soo noqnoqday iyo dhalinyaro aan helin fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo.
Cabdullaahi Cumar Aadan (Cabdullaahi Kabay) oo ka mid ah xubnaha dowlad deegaanka Gaarisa, oo u warramay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay ayaa sheegay inay hadda kadib go’aansadeen mamnuucista dhirta la jaro ee dhuxul ahaan looga iibsado.
Gaarisa waxaa ku hareeran geyi dhan oo lama-degaan ku dhow taas oo ka timid nabaad-guurka iyo xaalufka ba’an ee lagu idleeyey dhirta kala duwan. Waxaana jirin mashruuc lagula talinayo ama lagu fal-celiyo oo deegaanka badbaaado u noqon kara.
Xigasho – Bbcsomali.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!