crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Somaliland oo ka digtay in Haramacadka si sharci darro ah dibedda loogu dhoofiyo | HimiloNetwork

Somaliland oo ka digtay in Haramacadka si sharci darro ah dibedda loogu dhoofiyo

Hargeysa (Himilonetwork) – Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Guuraaga ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, ayaa ka digtay in ugaarta duurjoogta gaar ahaan Harimacadka ay si sharci darro ah dad dibedda ugu dhoofiyaan.
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ciddii lagu helaa falalka noocaas ah la marin doono cadaallada oo la saamixi doonin, waxayna intaa ku dartay in ugaartan oo dunida ka sii dhammaanaysa ay tahay in dadweynuhu ay gacan ka gaystaan sidii loo dhowri lahaa.
Haddaba wasiirka deegaanka Somaliland, Marwo Shukri Xaaji Bandare, oo umuurtan uga warrantay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa sheegtay inay sharci adag xukuumaddu kasoo saarayso dadka dabargo’a ku haya duurjoogta gaar ahaan Haramacadka.
Xigasho – BBC
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!