crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Korneyl American ah oo Diinta Islaamka kusoo biiray! | HimiloNetwork

Korneyl American ah oo Diinta Islaamka kusoo biiray!

Muqdisho (Himilonetwork) – Michael Barnes wuxuu kusoo dhex koray qoys Masiixi ah oo ku nool Alexandria, Louisiana. Waxay toddobaad walba tegi jireen kaniisadaha. Wuxuu ku biiray Jarvis Christian College kahor inta uusan kamid noqon Ciidanka Maraykanka isaga oo 23 jir ah.
Isaga oo ku sugan Xarunta Sal-dhig oo Jarmalka ugu taalla, wuxuu kula kulmay askari Muslim ah oo mar walba ka hadli jiray Islaamka. Michael Barnes oo aad ula uurxun sababta ninkani mar walba uga hadlo diintiisa ayaa ugu yeeray dood inay maalin wada galaan.
30 kamid ah ciidanka ayaa maalintaas kasoo qeyb-galay doodda labadooda loo qabtay. Intii lagu jiray doodda, Barnes wuxuu ogaaday in diintani ay tahay mid sugan. Wuxuuna intaas kaddib go’aansaday inuu guda-galo baaristeeda. Wuxuu maalin walba wada aqriyo Qur’anka iyo Bible-kaba, ugu danbeyn wuxuu qaatay go’aan bedelay noloshiisa oo dhan. Wuuna muslimay. Wuxuuna la baxay magaca Khallid Shabazz.
Hadda wuxuu si fiican qeyb ahaan u yaqaan diintiisa Islaamka. Wuxuu sheegay in askarta kale ee ciidamada Maraykanka kula jira – kuwaas oo doonaya inay qaataan diinta Alle – ugu yimaadaan talo bixin iyo aqoon kororsi.
Bilooyin kahor, waxaa u yimid mid kamid ah askarta isaga oo ilmeynaya, wuxuuna ku yiri; ‘Waxaan ka fikirayay Islaamka muddo saddex sano ah. Waxaana rabaa inaad Shahaadada ii qabato.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!