crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shimbiro Halis ugu jira inay u dabargo’aan Bacda Balaastikada awgeed! | HimiloNetwork

Shimbiro Halis ugu jira inay u dabargo’aan Bacda Balaastikada awgeed!

MUQDISHO (HN) – Jaziiradda Lord Howe waa mid aad ku arkayso shimbiro calooshoodu ay ka shanqarayso dhawaqa bacda balaastikada sababta oo ah waxay aad u cunayaan bacaha. Shan meelood meel jirkooda kamid ah waxaa hadda noqday bacda ay cunaan. Waa arrin tiiraanyo leh balse sidoo kale mustaqbal hubanti la’aan ah gelinaysa jiritaanka noolaha ku nool oogada dhulka.

Caadiyan qofku marka uu calooshu xanuunto wuxuu ka maqlaa dhawaqyo jirkiisu sameeyaan oo iska dabiici ah, balse marwalba oo aad riixdo caloosha shimbirahan ku nool Jaziiradda Lord Howe waxaad maqlaysaa dhawaqii aad maqli jirtay marka aad bacda ku marmarto gacantaada ama aad jeexjeexdo.

Shimbiro-badeedkan ku nool Jaziiradda Lord Howe waxay gaarayaan 44,000. Waxaana cabsida laga qabo inay u dhintaan liqidda bacda balaastikada ay noqotay mid isasoo taraysa.

Qaar badan inta aysan u dhiman cunista bacda balaastikada waxaa xirma qabsinka kadibna waxay u rawaxaan si aayar-aayar ah. Hadda waxaa socda dadaal lagu doonayo in qiimo walba loo bixiyo si loo badbaadiyo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!