crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada Wiilkii iska diiwaan-geliyay Jaamacadda Haweenka Shiinaha. | HimiloNetwork

Sheekada Wiilkii iska diiwaan-geliyay Jaamacadda Haweenka Shiinaha.

Beijing (Himilonetwork) – Wiil 18-jir Shiinees ah ayaa qabsaday baraha bulshada ee caalamka kaddib markii uu iska diiwaan-geliyay Jaamacadda Haweenka Shiinaha – mid kamid ah sababta uu sidaas u yeelana waa inuu helo gabar uu nolosha la wadaago.
Iyada oo loo eegayo doorbidista dhallaanka laboodka ah ‘wiilasha’ oo Shiinaha ka dhaqan-qalay xilligii lagu jiray Siyaasadda Hal-cunug (1979 – 2015), hadda dalka dhaca qaaradda Asiya waa midka labaad ee aan heysan lab-iyo-dhedig isku dheelli-tiran taran ahaan.
Gobollada qaar, waxaa 100 gabdhoodba u taagan 130 wiil oo ku da’aad ah, dadka qaar ayaana tilmaamaya in tobannaan milyan oo labood Shiinees ah ay waayi doonaan gabdho ay guursadaan sannadaha soo aadan. La’aanta xal looga hortagi karo arrintan awgeed, 18-jirkan wuxuu go’aansaday inuu horumariyo fursadda uu ku heli karo gabar nolosha la qeybsata. Wuxuuna iska diiwaan-geliyay Jaamacaddan.
Muuqaal uu kasoo muuqday markii uu is-diiwaan-gelinta ku jiray, wiilkan da’yarka ah wuxuu qirtay in sabab kamid ah sababaha uu halkan ku doortay ay tahay helidda gabar uu nolol wadaag la yeesho.
“Halkan waxaa jooga gabdho badan – haddii aan Jaamacaddan wax ka baran karo, aan iiguma adka inaan helo gabar aan nolol la wadaago,” ayaa laga soo xigtay isaga oo oranaya.
In kasta oo Jaamacaddani gaar ku tahay haweenka, haddana 1500 oo haweenka Jaamacaddan iska diiwaan-geliya waxaa lala dhinac qaataa 15 wiil sannad walba. Hayeeshe waa arrin iska adag aalaaba, maadaama Jaamacaddu ay mararka qaar qaadato hal arday oo lab ah sannadka oo dhan.
Hadda wuxuu gudbay imtixaanka qubuulka, wuxuuna filayaa inuu dhinac fariisto haween badan oo middiisa laga yaabo inuu ka dhex helo. Balse waxaa jira walaac ay waalidkiisu ka qabaan arrintan.
“Aabahay wuxuu ii sheegay inaan aad isku ilaaliyo. Waayo halka aan ku suganahay awooddeeda waxaa iska leh haweenka,” ayuu yiri.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!