crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin caadeystay jirdilka eeyaha si uu lacag uga helo! | HimiloNetwork

Nin caadeystay jirdilka eeyaha si uu lacag uga helo!

Muqdisho (Himilonetwork) – Qeyla-dhaan ayaa laga muujinayaa nin caadeystay inuu cadaabo noole aan iska difaaci karin si uu lacag uga helo qolyaha jecel xanaanada noolaha.
Muuqaal fiidiyow ah oo ku baahay baraha bulshada, nin aan wadan wax shaati ah oo ku sugan Jilin ee Shiinaha waxaa la arkayaa isaga oo ul si xoog leh ugu dhifanaya ey labada lugood ka xiran.
Eyga la cabaadaya xanuunka usha ayaa soo jiidanaya indhaha dadka ka ogdhow goobta kuwaas oo isku dayaya inay ka celiyaan.
Ninka ayaa diidaya codsiga dadka; wuxuu ku war celinayaa; ‘waa inaan dilaa eygan, waayo wax micno ah iiguma fadhiyo.”
Mid kamida dadka jecel xayawaannada ayaa soo fara-gelinaysa ficilkiisa arxan-darrada leh, waxayna ugu danbeyn ka iibsaneysaa 500$ oo u dhiganta 3,500 yuan.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Niu waxay sheegtay inay tiro dhowr jeer ka badan aragtay ninkan oo jirdilaya xayawaannada – eeyaha si uu lacag uga helo qolyaha xanaannadooda jecel.
Waxay farta ku fiiqday in siinta lacag madax furasho ah ay ninkani kusii dhiirri-gelinayso inuu sii tacdiibo eeyaha. Balse waxay sharraxday inay u dulqaadan weyday inay aragto jirdilka lagu hayo eygan.
Baaritaan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inuusan aad u dhaawacmin, waxaana hadda daryeel siinaya milkiilihiisa.
Dadweynaha ayaa hadda booliska ugu yeeraya inay tallaab ka qaadaan ninkan caadeystay jirdilka xayawaanka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!