MUQDISHO (HN) — 20 jir ku nool Lucknow, dalka Hindiya ayaa ku sigtay in nolosha lagu aaso kaddib markii isbitaal gaar loo leeyahay oo la dhigay ay ku sheegeen inuu dhintay.
Mohammed Furqan ayaa shil galay dhammaadka bishii tagtay waxaana loola cararay isbitaalka, wuxuu ku jiray xaalad halis ah. Markii reerkiisu bixiyeen adduun walba oo ay awoodeen si loogu daweeyo, dhaqaatiirta ayaa ku dhawaaqay inuu dhintay. Durba ehelkiisu waxay diyaariyeen qaban-qaabada duugtiisa. Markii, si kastaba, lagu keenay anbalaasta, waxaa la yaab ku noqotay walaalkiis ka weyn dhaqdhaqaaqa faruuryaha uu ka nuuxnuuxinayo.
You must log in to post a comment.