crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muxajabad doonaysa inay fuusho Buurta ugu dheer Adduunka ee Mt Everest. | HimiloNetwork

Muxajabad doonaysa inay fuusho Buurta ugu dheer Adduunka ee Mt Everest.

Qaahira (Himilonetwork) – Gabadh ku nool dalka Masar ayaa dooneysa noqoshada gabadhadii ugu horreysay oo Carab-Muslimad ah oo gaarta Buurta Mt. Everest oo ah tan ugu dheer adduunka si ay u rumeyso riyada nolosheeda.
“Dareenka igu beeran waa inaan fiktada sare ee Buurta Mt Everest koro kaddibna iraahdo ‘Allow waan kugu shukriyay'” ayay tiri Manal Rostom iyada oo bixinaysa waraysi lala yeeshay.
“Dadku ma garanayaan awooddeyda, marka aad xirato xijaabka kaddibna guda-gasho rumeynta yoolkaada, waxaan tusaale nool u tahay diintaada. Waana sawirka maskaxdayda ku sawiran ee i dhiirr-geliya,” ayay sii raacisay.
Geeddi-socodka bursi ee riyada Manal Rostom waxay soo bilaabatay sannadkii 2009-ka markii ay fuushay buurta Mount St. Catherine iyada oo aan aad ugu carbisneyn.
Waxaa kale oo ay ka qeyb-gashay dhowr tartamo orotan ah oo ka dhacay dunida Carabta.
Mar bay isku day inay gaarto fikta sare ee Buurta ugu dheer Afrika – Kiliminjaro. Sannadkii 2013-ka, waxay kortay Buurta labaad ee ugu dheer Afrika ee Mount Kenya. Waxaa kale oo ay gaartay fikta sare ee Buurta ugu dheer Yurub ee Elbrus.
Ugu danbeyntii, sannadkii 2016-ka, Manal waxay kortay Buurta wareegga dheer ee Mount Himalaya.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!