crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Muslimiintu waa inay nala caabudaan qoraxda, webiyada iyo geedaha.” – Ururka RSS. | HimiloNetwork

“Muslimiintu waa inay nala caabudaan qoraxda, webiyada iyo geedaha.” – Ururka RSS.

MUQDISHO (HN) – Hoggaamiyaha Ururka RSS, Dattatreya Hosabale ayaa sheegay in diinta Hinduuska ay tahay mid sarreysa: Muslimiintana looga baahan yahay inay dhinacooda ka caabudaan webiyada, geedaha iyo qorraxda – isaga oo ku tilmaamay ilaalinta dabeecadda dhulka iyo bedqabsanaanta jirka qofka bani-aadanka ah.

Wuxuu hadalkan ka jeediyay gobalka Utter Pradesh xilli uu marti ku ahaa xaflad ay soo agaasimeen ururka talada Hindiya haya ee BJP.

“Maxaa dhibaato ah oo soo gaaraya hadday nala yiraahdaan Surya Namashkar; micnuhu ma ahan inay joojinayaan aaditaanka masaajidda.” ayuu yiri. “Diinteenna Hinduusku waa mid sarreysa. Qof walba ayayna u hadashaa.”

Baaqiisa ayuu ku sheegay mid cilmiyaysan oo caafimaadka qofka la xiriira.

“Ma gef baa in kuwa namaz-ka ama salaadda tukada ay nala yiraahdaan pranayama – ma lihin kasoo taga salaadda oo annaga nala safta – kaliya nagula dhawaaqa,” ayuu yiri.

“Siyaalaha wax loo caabudo way kala duwanaan karaan laakiin diintu waa mid kaliya,” ayuu yiri xilli uu Hinduuska ku tilmaamayay diin caalami ah oo la wada leeyahay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!